Thursday,
December 13th, 2012
Ciidamadda dambi-baadhista ee CID-da
ayaa maanta xabsiga u taxaabay Guddoomiyaha Wargeyska Waaheen Maxamuud Cabdi
Jaamac (Xuuto).
Editor-in-Chief of Waaheen, Mohamoud Abdi Jama holding his Award |
Ciidamadda CID-da ayaa Wariyaha
xidhay ka dib markii saraakiil Madaxtooyadda ka tirsani soo gaadhsiiyeen waaran
qabasho ah oo ay ka soo samaysteen Maxkamada Gobolka Hargeysa si loo xidho
Guddoomiyaha Wargeyska Waaheen.
Wariye Xuuto ayaa la xidhay ka dib
markii Taliyaha Ciidamadda CID-da Maxamed Muuse Abraar uu la soo xidhiidhay
isla-markaana uu ugu tagay xaruntooda, iyaga oo markaa ka dib u sheegay inuu
xidhan yahay, haystaana waaran Maxkamadeed.
Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa
ciidamada CID-du u sheegeen in lagu haysto war ku soo baxay Wargeyska Waaheen,
kaasi oo ku saabsanaa Wiil Madaxwayne Siilaanyo sodog u yahay oo Guddoomiyaha
isku xidhka ururada xuquuqal Iisaanka Somaliland Saleebaan Xuquuq uu ku
eedeeyay inuu sanad kasta boqolaal kun oo doolar ka qaato telefiishanka
qaranka.
Ciidamadda CID-da ayaa Guddoomiye
Xuuto u sheegay in looga baahan yahay inuu soo caddeeyo halka Wiilkaasi uu
lacagtaasi kaga qaato telefiishanka iyo musuqmaasuqa uu ku kacay.
Warka baahintiisa lagu haysto Xuuto
ayaa waxa uu afkiisa ka soo baxay Guddoomiyaha isku xidhka ururada xuquuqal
Iisaanka Somaliland Saleebaan Xuquuq, balse Madaxtooyadda oo waarankan soo
goosatay waxay ka warwareegtay inay toos u abaarto masuulkii hadalkaasi ka soo
baxay, balse sida cad waxay waaran u soo samaysatay Guddoomiyaha Waaheen.
Short URL: http://waaheen.com/?p=55540
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment