Mr. Jonathan Starr founder of Abaarso Tech |
- in marka hore lo magacaabo dugsigaa Maamule Muwaadin ah oo la isku waafaqsan yahay oo diinta iyo dhaqanba ilaalin kara.
- Waxay kale oo Guddidu soo jeedisay in labada aasaase ee dugsigaasi ay kor kala shaqayaan dugsiga iyada oo midkodna dhinaca caalamka uga hawlgalo dugsiga ka kalena uu baahida dugsiga ee gudaha kala shaqeeyo.
Dr. Ahmed Hussein Esse, member of Abaarso Tech Board |
Waxaanu isla xalay arrintaa wax ka waydiinay go’aankaa Dr. Axmed
Xuseen Ciise, wuxuu noo sheegay inuu dhinaciisa ka soo dhawaynayo
go’aankaas. Waxa kale oo uu sheegay inaanay cidna faaiido ugu jirin
burbur iyo sumcad xumo ku timaada dugsigaasi. Waxa kale oo uu sheegay
in dhaleecaynta beryhan dambe suuqa ku jirtay aanay marna ku saabsanay
ardayda dhigata dugsiga ee ku koobayd maamulka dugsigaas.
Dugsiga Abaarso Tech oo la aasaasay 2009 waa dugsi boarding ah kuna
yaala duleedka Hargeysa. Waxa hore khilaafkiisa u dhexgalay xukuumadda
Somaliland oo markii dambe lagu heshiiyey inuu Dr. Axmed Xuseen Ciise
noqdo Guddoomiyaha Boardka halka Jonathan starrna loo magacaabay
Maamulaha Guud.
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment