Suleiman Ismail Bulaleh (Saleban Xuquuq) |
December 11th, 2012 |
“Waxaynu Ka War-qabnaa In Sanadkii Boqolaal Kun Oo Doolar Oo
Tv-ga Qaranka Ka Soo Baxa uu Wiilka Madaxwaynuhu Sodogga U Yahay….”Saleebaan
Xuquuq
Hargeysa (Waaheen) Dallada
Isku xidhka ururadda xuquuqal sIisaanka Somaliland oo maanta si gaar ah u xusay
maalinta caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha oo adduunka oo dhan laga xusay, ayaa
soo bandhigay gabood-fallada lidka ku ah xuquuqda aadamaha ee dalka ka dhacay
intii xukuumadda Siilaanyo tallada dalka haysay.
Difaacayaasha xuquuqal Iisaanku, sidoo kale waxay ka hadleen
musuqmaasuqa dalka ka jira oo ay sheegeen inuu marayo heer qoyska Madaxtooyaddu
ku lug leeyahay in boqolaal kun oo doolar sanad walba la lunsado.
Guddoomiyaha difaacayaasha xuquuqal Iisaanka Somaliland
Saleebaan Ismaaciil Bullaale (Saleebaan Xuquuq) oo Munaasibadan ugu horeyn ka
hadlay ayaa faahfaahiyey gabood-fallada xuquuqda aadamaha ku xun ee Somaliland
ka dhacay mudada uu Madaxwayne Siilaanyo xilka hayo, waxaanu yidhi “Tan iyo
intii tallada dalka ay qabsatay xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo waxaad moodaa
in xad-gudubyadda xuquuqal Iisaanku ay aad u sii kordhayeen, xadhiga sharci
darada ah ee muwaadiniinta, iyadda oo aan loo marin Maxkamada wuxuu noqday mid
aad u badan, waxaana imika xabsiga Madheera ku jira 16 qof oo ciidamadda
qaranku ka soo qabteen Lawyacado, maxkamad lama gaynin, waxaasi ayaa la idinku
haystaana lama odhan, dhowr jeer oo hore waanu ka hadalnay, waxaanu xukuumadda
leenahay haddii ay dambi leeyihiin maxkamad hala geeyo, haddii kalena hala
siidaayo. Xad-gudubyadda waaweyn ee dalka ka dhacay waxa ka mid ah saxaafadda
Madaxa-banaan oo inta la xidhay ama la jidh-dilay waxay kor u dhaaftay 86
Wariye (inta xukuumaddani tallada haysay)”
Saleebaan Xuquuq, waxa kale oo uu kak hadlay Musuqmaasuq uu
sheegay inuu Tv-ga qaranka ka gaysto nin uu Madaxwayne Siilaanyo sodog u yahay
“Musuqmaasuqa oo kale, hay’adda caalamiga ah ee Transparency International
war-bixinteedii ugu dambaysay waxay inagu dartay waddamada ugu musuqmaasuqa
badan, difaacayaasha xuquuqal Iisaanku waxay xog-ogaal u noqdeen in heerka
musuqmaasuqu uu ka gaadhsiisan yahay Somaliland ay ku lug leeyihiin xitaa
qoyska Madaxwaynuhu” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray in difaacayaasha
xuquuqal Iisaanku ay Boobe Yuusuf Ducaalle u aqoonsadeen muwaadin daah furay
xogo shacabka ka qarsoonaa “Difaacayaasha xuquuqal Iisaanku waxay sanadkan
Boobe Yuusuf Ducaale u aqoonsan yihiin inuu daah furay xog ka qarsoonayd
bulshada Somaliland iyo dadkii ay doorteen sida ay hawlaha u wadaan xaqiiqada
uu ka sheegay, waxaynu ka war-qabnaa in sanadkii boqolaal kun oo doolar oo ka
soo baxa Tv-ga qaranka ay Mushahar u qaataan dhowr iyo toban qof oo London
jooga oo shakhsi loo dhiibo oo aan qaan-sheeg laga soo celin (Receipt), oo
Inanka Madaxwaynuhu sodogga u yahay ku lug leeyahay, waana wax cad, waxaanu u
aqoonsanahay Boobe Yuusuf Ducaalle inuu yahay qof u qalma in la siiyo
shahaadada xoriyadda hadalka oo u dhaqdhaqaaqa inay dadku xog helaan”
Saleebaan Xuquuq, waxa kale oo uu ka hadlay “Waxa kale oo ka mid
ah gabood-falada dhacay aar-goosiga siyaasiga ah, hal-doorkii dalka iyo dadkii
aqoonta lahaa ee Somaliland u shaqeyn jiray dawladda waa laga xaaqay, taasi
waxay keentay in Imtixaanaadkii fashilmo, waxa kale oo ka mid ah doorashaddan
la isku haysto, oo wixii intaasi oo sanadood dadku wax walba u soo hureen ay
maanta tacab khasaar u eg-tahay”ayuu yidhi waxaanu intaa ku darau
“Xuquuqal Iisaanka Somaliland, maanta waxa uu marayaa heer laga war-waro”ayuu
yidhi.
Guddoomiyihii hore ee komiishanka xuquuqal Iisaanka Qaranka
Somaliland Axmed Yuusuf Cismaan oo isna halkaa ka hadlay ayaa si aad ah
Komiishanka ugu dhaliilay go’aanka ah in dib loo tiriyo codadkii laga dhiibtay
degmooyinka Hargeysa, waxaanu sheegay in taasi keenayso in dadka la isku dillo.
Axmed Yuusuf Cismaan oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi
“Waxaan idiin sheegayaa in doorashadii Somaliland ka dhacday ay u dhowdahay
inay saqiirto ayna u sabab u yihiin taariikhduna ay xusi doonto komiishanka
maanta xilka haya, waa nasiib daro in komiishankii doorashaddu isticmaalo
ciidamada qaranka oo loo dhiibo sanaaduuqdii oo la yidhaahdo ku gura, in rag
komiishanka ahaa oo ay ahayd inay ilaaliyaan garba-duub loo xidho, in
sanaaduuqdii Saylac taalay meel lagu xidho”
Axmed Yuusuf Cismaan, waxa kale oo uu dhaliilay go’aanka dib loogu
tirinayo codadkii Hargeysa laga dhiibtay “Waxa la tiriyey 431 sanaaduuq oo
degmooyinka Hargeysa ah, tiradii la tiriyey ee la shaaciyey ayaa haddana la
yidhi waa laga noqonayaa, tusbaxaana waxa furay komiishanka doorashooyinka, ma
dowbaa , ma xaqbaa, ma garbaa, ma wax la qaadan karayaa”ayuu yidhi waxaanu
intaa ku daray “Waxa dhacay waxa uu bar madow ku yahay hogaanka dalka haddii uu
waxba ka qaban waayo waxa dhacay, ceebtan maanta komiishankaa leh oo dawladdu
lama laha, haddiise uu waxba ka qabban waayo dawladdu way la yeelanaysaa”
Guddoomiyihii hore ee komiishanka xuquuqal Iisaanka Somaliland uu
ka hadlay 14 jir ay ku dhacday rasaastii ciidamadda boolisku u addeegsadeen
dadkii ka cabanayey natiijadda doorashadda ee Hargeysa “Waar Gabood-falbaa
dhacay, inan yar oo 14 jir ah ayaa xabbadi ku dhacday, anigu booliska eeda
saari maayo, laakiin ninka amarkaa siiyay ee meesha u diray-baa dambigaa
qaadanaya, bulshada Somaliland-na waxaan ugu baaqayaa askarigu waa wallaalkeen
ee dhagaxa ka daaya, Arintani arin Xaqsoor ama reer Fadhida maaha, arin
Kulmiye, Rays iyo Waddani midna fadhida maaha ee waa arin qaran”ayuu yidhi
waxaanu intaa ku daray isaga oo ku baaqaya dibad-baxa shacabku sameeyaan
Arbacada “Maalinta Arbacadda ah difaacayaasha Xuquuqal iisaanku waxay idinku
baaqayaan in la isku soo baxo oo banaan-bax weyn la sameeyo oo lagaga cabanayo
waxa ay komiishanku wadaan ee dadka isku dilaya, isku soo baxa Arbacada
dhacayaana waa Salmi aan cidna lagu dhibaynin”
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment