Ardayda Dugsiga Abaarso Tech, ayaa tafaasiil ka bixiyay hadimooyin iyo been abuur uu dugsigaasi ku suul daarayo Axmed Xuseen Ciise oo ka mid ahaan jiray Gudida sare ee maamulka dugsigaasi.
Qaar ka mid ah Ardayda Abaarso Tech iyo Macalimiintooda |
War-saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:- “Waxaad arkaysaa nin intuu shalay raganimo muujiyay maantana raadkiisii dib u baabi’inaaya. Waxaa arrinkaa tusaale xaadira u noqday Axmed Xuseen Ciise , mulkiilaha Waaheen news, oo inta uu arrin faa’iido badan door laxaadle ka ciyaaray, haddana markay midhihii soo go’een u tafaxaytay inuu waxaan jirin ka dhigo.
Axmed wuxuu door xusid mudan ka ciyaaray asaaskii dugsiga Abaarso Tech. Wuxuu ahaa ninkii soo hogaamiyay Jonathan Star si uu hantidiisa ugu bixiyo dhisidda dugsi la mida dugsiyada waxbarasho ee caalamka.
Axmed Xuseen iyo Jonathan waxay si wada shaqayn fiicana ku bilaabeen dugsigii. Jonathan wuxuu ahaa maamulaha guud ee dugsiga, halka Axmed-na ahaa madaxda sare ee gudida iskuulka . Gudida dugsiga shaqadeedu waxay tahay inay dadka Soomaalida ah iyo dugsiga isku xidhaan. Taas oo sahlasay inay macalimiinta ajaanibka ahi la qabsadaan dhaqanka dalka, iyo in dadka Soomaalida ahi hanti ku bixiyaan dugsiga. Markaa Axmed shaqadiisu waxay ahayd inuu dhexdhexaad u noqdo dadka iyo dugsiga taas oo uu bilawgii horumar ka sameeyey.
Ilaahay mahadii dugsigii wuu dhismay oo wuxuu gaadhay heer cajiiba dhinaca waxbarshada. Macalimiin aqoon sare leh ayaa laga soo kaxeeyey wadamada sida Maraykanka, Canada, iyo Ingiriiska.
Waxaa sidoo kale yimid macalimiin Maasaariya si ay u dhagaan diinteena suuban iyo luuqada carabiga halka macalin Sheekh Cabdi Wahaab-na ilaahay ha ka Abaalmariyee uu ardayda habeenkii quraanka baro. Isku darka intaasi waxay soo saartay arday aqoon dhamaystiran leh.
Sidoo kale wuxuu iskuulku heer aad u wanaagsan ka gaadhay dabbaqida diinteena macaan iyo dhaqankeena Soomaaliga ah. waxaa la sameeyay gudi arday ah si ay macalimiinta ajaanibka ah u fahansiiyaan dhaqankeena kuwaas oo ay gudi waalidiinina la shaqaynayaan.
Waxa la sameeyay sharciyada ugu adag ee dugsi yeelan karo gaar ahaan dhinaca labka iyo dhadiga, mukhaadaraadka iyo waxii la mida. Waxa la dhisay oo la dhamaystiray masaajidkii si ay ardaydu ugu tukadaan macalinka quraankuna ugu bixiyo duruus.
Waxa lala dagaalamay waxkasta oo dugsiga sawir xun ka bixin kara maadaama ay barayaashu ajaanib u badan yihiin, waana lagu guulaystay qodobadaasi intoodii badnayd.
Waxa ugu muhiimsan uu dugsigu gaadhay ayaa hadaba ahaa inuu adduunka u soo bandhigo agoonta ardayda Somaliland. Sanadkii 2011 ayuu dugsigu ardaygii ugu horeeyay u diray dugsi caalamiya oo ku yaala wadanka maraykanka.
Qaar ka mid ah Ardayda Abaarso Tech |
Wuxuu sidoo kale guulo wax ku oola ka soo hooyay dhinaca sportiga sida legdinta iyo orodka. Taasi waxay keentay inay dugsiyo kale xiiseeyaan ardayda Soomaalida, taas oo fursad u siiyay 6 lix arday oo kale inay deeqo waxbarsho ka helaan wadankaa sanadkii xigay.
Lixdii arday ee tegay sanadkanina waxay noqdeen layaab kii hore ka daran. Maxamed C/Raxmaan oo ka mid ahaa ardaydaa ayaa heer layaab cidkastaba ku noqotay ka gaadhay orodkii, halka gebi ahaanba lixdii arday waxbarashadii mucjiso ku noqdeen.
Maxamed wuxuu hada laba minute oo kaliya ka hooseeya Maxamed Farah orodka shanta kun ee mitir, waana 17 jir. Sidaa darteed waxay cidkastaaba xiisaysay ardaydii, oo la filayo inay in ka badan 20 arday deeqo waxbarsho helaan sanadkan.
Hadaba, waxa layaab ku noqotay cidkasta oo arrinka dugsiga u dhuun dalooshaba, inuu Axmed Xuseen quudhi waayo horumarka dugsiga iskuna dayo inuu meel uu iska leeyahay ka dhigto.
Wuxuu doonay inuu sameeyo xeelado uu macalimiinta iyo maamulaha ajaanibka ah kaga diro dugsiga, si uu dano gaar ah ugu isticmaalo.
Wuxuu ka bilaabay inuu macalimiinta iyo shaqaale hoosaadka dugsiga isku diro, ka dibna wuxuu u diga rogtay inuu dhinaca dawlada ka soo wareego. Nasiib wanaag isku dayadaas oo dhami way u shaqayn waayeen, hase ahaatee hada ayuu tii ugu darnayd la yimid. Isagoo og sida dadkeenu uga dareen qabaan waxyaabaha diinta ka soo horjeeda, ayaa waxa uu warbaahinta u isticmaalayaa siiba qaar ay xidhiidh leeyiin inuu dadka iyo dugsiga isku diro kuna sheego dugsiga meel kiristaanka lagu barto. Kaba sii darane’ wuxuu urursaday ardaydii dugsiga ka tagtay ama laga eryay dhaqankooda awgii isagoo u balan-qaadaya inuu deeq waxbarasho iyo lacagba siinayo haddii ay meesha la xoreeyaan.
waa nasiib-daro laakiin Axmed waxyaabo badan ayuu ilawsan yahay. waxa uu ilawsan yahay meelka dhaca uu ku hayo waalidiinta sharafta leh ee ardayda, dawlada Somaliland, ardayda wada qaan-gaadhka ah ee dugsiga dhigata iyo cid kastoo Soomaalinimo ku caawisay dugsiga. Waxa uu ilawsan yahay meel ka dhaca uu ku hayo waalidiinta ardayda, maxaa yeelay wuxuu ku tilmaamay qayral masuuliyiin marka uu leeyay caruurtiinii oo la gaalaynayo ayaad daawanaysaan.
waxa uu hilmaamsan yahay khaladka uu kula kacayo dawlada marka uu leeyay dugsi kiristaan ayaad u ogolaateen dalkii aad u dhaarateen inaad diintiisa iyo dhaqankiisa ilaalinaysaan.
Wuxuu meel kaga dhacay ardayda, waayo ardaydayda dhigata dugsi sare waa wada qaan-gaadh inaad tidhaahdo aynigaas baa la idinku gaalaysiinayaana waa meel ka dhac.
Waxa uu meelkaga dhacay dadkii maal iyo wakhtiba ku bixiyay hirgelinta dugsiga oo uu isna ku jiro. Taas oo noqotay wax maskaxdu qaadi kari waydo.
Hadaba, Axmed waxaanu xagan ugu soo jeedin lahayn haddii aanu nahay ardayda dugsiga sare ee Abaarso Tech inuu aakhiradiisa u tudho. Waa wax la arki jiray inuu qof hungiri galo laakiin wadadda aad u maraysaa khatar badan ayaanu odhan lahayn.
Waxaad sababsankartaa nolosha dad bini aadama oo aan waxba galabsan haddii aad kicintan sii wado. Waxaanu dad waynaha sharafta lehna ka codsanlahayn inuu qof kastoo doonaya inuu runta ogaadaa yimaado dugsiga indhihiisana ku arko waxa ka socda wixii tallo ah ee uu hayana ku darsado.”
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment