Office Telephone: 252 2 4429552. Email: hornwatch@yahoo.com
HORNWATCH
Index: S/land 120/1/12
Ku: H. E. Axmed Maxamed Maxamuud ‘Siilaanyo’
Madaxwaynaha
JSL
Xarunta Madaxtooyada Somaliland
Hargeisa, Somaliland
Ku: Komishanka Doorashooyinka Qaranka
Somaliland
Xarunta Komishanka Doorashooyinka
Hargeisa, Somaliland
Ku: Gudida Ilaalinta Anshaxa iyo Habsami u
Socodka Doorashada
Xarunta Gudida
Hargeisa, Somaliland
Og: Xisbiyada iyo Ururada Siyaasada Somaliland
Og: Qaadhaan bixiyayaasha doorashooyinka
Somaliland
Og: British,
US, Denmark, Norway, Holland Embassies & EU, AU, IGAD regional offices in
Ethiopia, Kenya
Og: Human
Rights Watch, Amnesty International, East & Horn of African Human Rights Defenders
Network in Kampala, Uganda
Og: National
Endowment of Democracy, DANIDA, UN Somalia/Somaliland Political Office, UN Independent Monitoring Committee on
Somalia and Eritrea embargo
Og: Warbaahinta Gudo iyo Dibad
Public
Statement
Released Today:
16 Nov. 2012
UJEEDO: XUKUUMADA SOMALILAND OO KA DHIGTAY SOMALILAND DALKA AANAY KA
DHICI KARIN DOORASHO XOR AH OO XALAAL AHI
Iyadoo ay haatan ka
hadhsan tahay in ka yar 2 wiig maalinta ay dalka Somaliland ka
dhacayso doorashadii sanadaha faraha badan mudo dhaaftay ee golayaasha
deegaanku, ayaa marka loo dhabogalo aanay wakhtigan xaadirka ah Somaliland ka jirin shuruudahii aasaaska u ahaa in ay dalka doorasho xor ah oo xalaal ahi ka dhacdo.
Xog ururu si taxadar badan ay u sameeyeen Gudiga Ilaalada
Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ee Horn Watch ayaa daaha ka rogaysa habdhaqan
ka baxsan nidaamka dimuquraadiga oo ay ku dhaqmayso xukuumada Madaxwayne
Siilaanyo, xilgudashada xubnaha Komishanka Doorashooyinka qaranka oo madmadow
farobadani ku gadaaman yahay, xadgudubyada xuquuqda aadamiga iyo xoriyadaha
aasaasiga ah ee hay’adaha sharcifulinta Somaliland ay sida joogtada ah ugu
hayaan shacbiga dalka, maamulxumo iyo musuqmaasuq ka soo burqanaya xafiiska
madaxwayne Siilaanyo, iyadoo haatan dadwaynuhu arkayaan hantidii umada oo
madaxwaynuhu ku naasnuujinayo xubno ka tirsan qoyskiisa, dhaqaalihii dalkana ay
xukuumadu gacanta u galisay maalqabeeno ka soo jeeda gobolada uu ka soo jeedo
Madaxwaynahu. Duruufahan haatan ka jira Somaliland ee aanay doorasho xor ah oo
xalaal ahi u dhici karin waxa kamid ah:
Xeerka Sirdoonka
Qaranka oo ay ka Dhalanayaan Dunuub Caalami ah iyo qaar heer dal ahi:
Difaacayaasha Xuquuqda
Aadamiga Somaliland iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyad Doonka ahi waxay sida
fiinta uga qaylinayaan xeerka Sirdoonka Qaranka oo qodobo ku jiraa ay
dhabarjabinayaan xoriyada cabiraada iyo ra’yi dhiibashada iyo xoriyaadka
aasaasiga ee dastuurka Somaliland damaano qaaday, Baaqa Caalamiga ah ee
Xuquuqda Aadamaha (UDHR). Sidaasi darteed waxay Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga
Somaliland codkooda ku xoojinayaan dhawaaqyada iyo codsiyada ay Suxufiyiinta
Somaliland u gudbinayaan Madaxwaynaha dalka. Xeerkan oo hay’adaha sharci
dajinta Somaliland ay dhawaan meelmariyeen ayaa gabi ahaanba saaxada ka saaraya
xoriyada saxaafada xorta ah iyo xaqa ra’yi dhiibashada iyo cabiraada oo ay
Somaliland ku soo naaloonaysay 20kii
sanadood ee ugu dambeeyay.
Difaacayaasha Xuquuqda
Aadamiga Somaliland waxay uga digayaan Madaxwaynaha dalka Mud. Axmed Maxamed
Maxamuud in uu dhaqan galiyo xeerkan Sirdoonka Qaranka oo ay ka dhalanayso dhaqangalkiisa tacadiyo
xuquuqda aadamaha iyo xoriyadaha aasaasigu, Maadaama Mudane Madaxwayne aad
tahay Madaxwayne ay si xor ah oo dimuquraadi ah shacabkiisu u soo doorteen,
waxa ay Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland kaa codsanaynaa in aanad
dhaqan galin xeerkan, taasi bedelkeedana in aad ka saarto qodobada xakamaynaya
xoriyada ra’yi dhiibashada iyo saxaafada kadibna dib ugu celiso Golayaasha
sharci-dajinta.
Gafafka Xukuumadu
ku Hayso Ururada Siyaasada ee Mucaaridka ah:
Weeraro xukuumada
Madaxwayne Siilaanyo ku kala furfurayso musharaxiinta ka sharaxan ururada
mucaaridka ah iyadoo ku qalqaalinaysa in ay iska casilaan musharxnimada,
weerarada noocan ah ayaa si wayn dibada ugu soo baxay wiigii labaad iyo kii
seddexaad ee ololaha doorashada, isagoo gaadhay heer musharaxiinta mucaaridka
la horkeeno Madaxwaynaha Qaranka Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ‘Siilaanyo’ si
uu musharaxiintaasi ugu qanciyo in ay ka tanaasulaan tartanka, waxa aanay xataa
talaabooyinka noocan ahi saameeyeen oo xilalkoodii iska cusilay madax sarsare
oo ka tirsanaa ururada siyaasada ee mucaaridka ah qaarkood.
Iyadoo xeerka doorashooyinka
Dawladaha Hoose ee Somaliland dhigayo “in aan la xidhi karin Musharaxiinta u
tartamaya doorashooyinka golayaasha deegaanka Somaliland oo ay leeyihiin
dhawrsanaanta la mid ah ta ay haystaan Xildhibaanada la doortay, haddii aanay
danbi xukunkiisu ka badan yahay sadex sano aanay gacanta kula jirin”. Af-hayeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka Mud. Maxamed Xirsi Geelle ayaa
maanta ka markhaati kacay in Xukuumadda Somaliland tacadiyo iyo xadhig kula
kacday musharixiin ka tirsan ururada Siyaasadda ee Tartamaya. Difaacayaasha Xuquuqda
Aadamiga Somaliland waxay xogogaal u noqdeen qaar ka mid ah
musharxiinta ururka UMADDA oo ay xukuumadu la la bartilmaameedsatay xadhiga iyo
tacadiyada kale waxa ka mid ah:
1. C/risaaq Faarax Xuseen 114 Burco, 2.Maxamed Jaamac Dubad 105
Hargeysa, 3.C/raxmaan Mire Gurxan
106 Caynaba, 4.Maxamed Ciise Ducaale
109 Burco, 5. Maxamed Yuusuf Cabdille Balay-gubadle, 6.Jaamac Maxamed
Cabdi Guddoomiyaha Caynaba ee Umadda.
Waxa la yaab leh
iyadoo Boolisku musharaxinta bartilmaameedsadaan oo xabsiga u taxaabaan,
maalamaha ururadoodu uu leeyihiin Ololaha Doorashada, si aanay taageeryaashooda
la hadlin. Sidoo kale waxay xukuumada Somaliland qaaday falal ay ku kala
furfurayso musharaxiinta Xisbiga New UCID, iyadoo siinaysa lacag aad u tiro
badan uguna balanqaadaysa shaqooyin ayay xukuumadu ku qalqaalisay musharaxiin
tiro badan oo ka tirsan Xisbiga NEW UCID in ay ka hadhaan tartarka
musharaxnimada.
Sanadkan sii
dhamaanaya ee 2012 ayaa noqday sanadkii ugu xumaa dhinaca xuquuqda aadamaha ee
soo mara Somaliland tan iyo markii lagu dhawaaqay la soo noqoshada
madaxbanaanideeda 1991, sababtoo ah sanadkan waxa dalka ka dhacay gabood falada
iyo tacadiyadii ugu tirada badnaa ee xukuumadu u gaysato shacbiga waxana ka mid
ah.
Xadgudbyada
Xukuumada ee Qaxootiga iyo Magangalyodoonka:
Waxa ay Xukuumada Madaxwayne
Siilaanyo si khasab ah dalka uga saartay tiradii ugu badnayd ee dad qaxooti
iyo magangalyo doon ah oo ay gacanta u
galisay hay’adaha amaanka ee dalka Ethiopia oo ay markii hore ka soo qaxeen
tirada ay xukuumadu dhiibtay ee noo diiwaangashani waxay kor u dhaafaysaa 250
ruux oo isugu jira rag, dumar iyo caruur.
Gaboodfalada
Xukuumada ee Suxufiyiinta Somaliland:
Sanadkani tiraddii
ugu badnayd ee suxufiyiinta Somaliland ee ka hawlgala warbaahinta
madaxabanaan ayay Xukuumada Madaxwayne
Siilaanyo xabsiga u taxaabtay, jidhdil u gaysatay iyadoo khasaarana u gaysatay
qaar ka mid ah agabkii ay ku hawlgalayeen suxufiyiintu. tiradii ugu badanayd ee
dacwado lid ku ah suxufiyiinta madaxa banaan ayay xukuumada Siilaanyo u
gudbisay hay’adaha garsoorka dalka, dacwadahaasi oo markii loo dhabogalay
Masuuliyiinta sarsare ee xukuumadu ay kaga aargoosanayeen Saxaafada
madaxabanaan kadib markii ay qortay xogo iyo warar iyaga khuseeya.
Xadhiga Sharcidarada ah ee
Muwaadiniinta:
Xadhiga
sharcidarada ah (arbitrary detentions) iyo jidhdil (torture) iyo sidoo kale
xabsi ku hayn qaanuunka ka baxsan ayaa inta la og yahay 18, ruux oo isugu jira
12 muwaadiniin ah 2 u dhashay Somalia iyo hal Ethiopian ah ay haatan mudo bil
ah ku xidhan yihiin Xabsiga Mandheera. Dadkaasi oo habo yaraatee aan wax
maxkamada ah la horgaynin ayaa waxa laga soo qabqabtay magaalo xuduudeeda
Lawyacado iyadoo nasiibdarada kale ee dhacday markii maalintii 3aad ee
xadhigooda la keenay laguna xibisay xabsi qarsoodi ah oo ku dhex taal xerada
ciidamada ee Birjeex ay madaxda
ciidamadu ay sii daayeen 2 maxbuus oo ka soo jeeda beesha dhexe ee Somaliland
halka maxaabiistii kale oo badankoodu ka soo kala jeeday gobolada Awdal iyo
Selel loo gudbiyay dhinaca xabsiga Mandheera oo ay haatan la iska-hayayaal ku
yihiin
Tabashooyinka
Tirada Goobaha Codbixinta:
Waxa kale oo
warwarkooda leh Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo tirada goobaha codbixinta ee dalka deegaanada qaar yareeyay halka deegaano kalana ay kordhiyeen, iyagoo aan soo bandhigin sababta ay taasi u sameeyeen. Waxana ay talaabadani sababtay qaylo dhaan ka soo yeedhay deegaanada ay Komishanku ka yareen tirada goobihii ay hore uga codayn jireen, Difaacayaasha Xuquuqda
Aadamiga Somaliland waxay xogogaal u noqdeen in Gobolka Togdheer deegaanada Komishanka Doorashooyinku aad u kordhiyay tirada goobaha laga codaynayo ay u badan yihiin deegaanada galbeedka Burco oo uu ah deegaanada uu ka soo jeedo madaxwayne Siilaanyo, halka deegaanada galbeedka Burcana tiradii goobaha codbixinta uu aad u yareeyay. Tan waa talaabo cadaan ah oo Komishanka Doorashooyinku ku soo saarayaan xisbiga talada haya.
Marka arimahan lagu
daro maamul xumada ku dhisan eexda iyo qaraabo-kiilka ee ka soo fatahaysa
xafiiska Madaxwayne Siilaanyo, iyo musuqmaasuqa hantida qaranka ee madaxtooyadu
ku naasnuujinayo xubno ka tirsan qoyska Madaxwaynaha, iyo iyadoo aan xukuumada
madaxwayne Siilaanyo uu dhisay ahayn mid loo dhan yahay, dhinaca saami qaybsiga
oo beelo dhismaha qaranka halbawle u ah aanu siinin saamigii ay xaqa u
lahaayeen.
Aargoosiga Siyaasadeed ee Xukuumada:
Xukuumadda
Madaxwayne Siilaanyo ayaa markii ay
talada dalka la wareegtay qaaday olole balaadhan oo aargoosi siyaasadeed ah
shaqaalahii dawlada gaar ahaan kuwa ka soo jeeda gobolada Awdal, Saaxil iyo
Oodwayne. Dhawaana dadwaynaha Somaliland ayaa si xoog ah u dareemay
Madaxwaynaha iyo qoyskiisa oo si gaar ah u bartilmaameedsanaya shaqaale
dawladeed oo ka soo jeeda gobolka Awdal, waxana ay u adeegsadeen Hantidhawrka
Qaranka si uu dambi aan jirin ugu sameeyo.
Dhaqamada noocan ah
ee ka soo fulaya xafiiskii Madaxwaynaha dalka Mudane Ahmed Maxamed Maxamuud
‘Siilaanyo’ ayaa ah qaar si xun u naafaynaya oo dhantaalaya midnimada,
wadajirka iyo isku kalsamaanta guud ahaan shacbiga Somaliland, sidoo kale waxay
dilayaan nidaamkii iyo kala dambayntii iyo kalsoonida shacabku ku qabo maamulka
duwaliga ah.
Ifafaalaha haatan
ka aloosan Somaliland ee Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo dalka ka wadaa waxay
keenaysaa:
1. In
ay ku shubato xukuumadu doorashooyinka dawladaha hoose, sidoo kale waxay
qaabkan kushubashada ku soo saari kartaa ururada siyaasada ee xukuumadu wadato
2. Dhinaca
kale waxa muuqta in ay ku soo socoto nabadgalyo xumo iyo dagaalo sokeeye oo ka
dhaca dalka, iyadoo ay u muuqdaan hay’adihii qaran ee xasarad dajinta u
xilsaaraana in ay jeebada xukuumada ku jiraan. Hawlgabnimada Golaha Guurtida
ayaa lagu macnaynkaraa in ay sabab u tahay Gudoomiyaha Golaha Guurtida oo
dhalasho ahaan ka soo jeeda beesha Madaxwaynuhu ka soo jeedo.
3. Jawigan
kakan ee ay dalka ka abuurtay xukuumada Somaliland kaasi oo ah mid aanay sinaba
uga dhici karin doorasho xor ah oo xalaal ahi waxa uu keeni karaa in ay ururada
siyaasada qaarkood qaadacaan ka qaybgalka tartanka doorashada Golayaasha
Deegaanka
Talo-soojeedimo:
Ø Waxanu
ugu baaqaynaa guud ahaan jilayaasha doorashooyinka Somaliland in si wadajir ah
isugu yimaadaan si ay cod midaysan ugu gudbiyaan xukuumada Somaliland si ay dib
ugu soo celiso dalka jawi ay ku dhici karaan doorasho xor ah oo xalaal ahi.
Ø Difaacayaasha
Xuquuqda Aadamiga Somaliland iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyad Doonka ahi
waxay ugu baaqayaan Dalalka la saaxiibka ah dalka Somaliland, taageerayaasha
Doorashooyinka Somaliland, iyo Bulshada Caalamka in ay Xukuumada Madaxwayne
Siilaanyo culays caalami ah ku saaraan sidii uu dalka ugu soo celin lahaa jawi
ay doorasho xor ah oo xalaal ahi uga dhici lahayd.
Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay
Madaxwaynaha Somaliland u soo jeedinayaan talooyinkan hoos ku qoran:
1. Maadaama dhaqan-galkiisa xeerka
Sirdoonka Qaranka gaar ahaan qodobkiisa 7aad farqadiisa 11aad
kaas oo awood u siinaya hay’ada Sirdoonka Qaranka inay faafreeb ku sameeyaan
wax soo saarka warbaahinta una dhigan sidan. “La socodka qalabyada
warbaahinta,qoraalada iyo meel kasta oo ay ku wajahanyihiin iyo in la hubiyo
ujeedooyinka ay xanbaarsanyihiin iyo
waxkasta oo ku duugan (publication press and propaganda” ay ka dhalanayaan
dunuub dhinaca xuquuqda iyo xoriyadaha aasaasiga ah isla markaasina uu burinayo
xaqii cabiraada iyo ra’yi dhiibashadm waxa aanu Mud. Madaxwayne kaa codsanaynaa
in aanad dhaqan-galin, adigoo ka hor doorashada golalaha deegaanka inta aanay
dhicin sidaasi ficil ku muujinaya;
2. Mud. Madaxwayne waa in xukuumadaadu
sida uqu dhaqsaha badan u joojiso gafafka ku hayso asxaabta mucaaridka ah ee
tartamaysa gaar ahaan xadhiga, bahdilaada iyo ku khasabka musharixiinta
ururada UMADDA iyo NEW UCID xukuumadaadu
ku hayso iyo sidoo kale waa in aad sida ugu dhaqsaha badan wax uga qabataa
saraakiisha jabisay Anshaxa Ololaha Doorashada ee ay magacyadooda kuu soo
gudbiyeen hay’adaha qaranka ugu xilsaaran ilaalinta Anshaxa Doorshada.
3. Waa in Xukuumada Somaliland joojisaa
mastaafurinta joogtada ah sida joogtada ah ay ugu fuliso dadka qaxootiga iyo magangalyodoonka ah ee dalka
sifada sharciga ah ku jooga.
4. Waxanu ugu baaqaynaa in xukuumada
Somaliland gabi ahaanba joojiso tacadiga iyo gaboodfalada ay sida joogtada ah
ugu hayso Suxufiyiinta Somaliland.
5. Mud. Madaxwayne waxa aanu kuugu
baaqaynaa in sida ugu dhaqsaha badan oo bilaa shuruud ah aad xoriyadooda ugu
soo celiso dhamaan muwaadiniinta rayidka ah ee la haya-yaasha ku ah xabsiyada
dalka, waana in aanay xukuumadaadu dhaqan ka dhigan in ay muwaadiniinta iska
xidho iyadoo aan sifo sharci ah u marin, dhamaan dadka la xidho ama lagu soo
eedeeyo danbi waa in 48 sacadood gudahood lagu horgeeyo maxkamad awood u leh.
Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay xogogaal u yihiin 12 ruux oo
ciidamada qaranku ka soo qabteen Lawyacado, labo ruux oo Somali ah iyo hal
Ethiopian ah oo iyadoo maxkamad aan la horgaynin ku xidhan xabsiga dhexe ee
Mandheera. Haddii ay dambi galeen waa in maxkamada awooda u leh ee ku taala
deegaankii ay danbiga ku galeen la horgeeyaa, ruuxana waa dambi laawe ka hor
inta aanu dambi ka hor cadaan maxkamad caadil ah horteed.
6. Xukuumada Somaliland waa in ay gabi
ahaanba joojiso aargoosiga Siyaasadeed
ee lidka ku ah shaqaalaha dawladda, maadaama oo ay xaq u leeyihiin in ay
taageeraan urur siyaasadeedka ay doonayaan.
Komishanka
Doorashooyinka Somaliland:
7.
Difaacayaasha
Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxa aanu
ugu baaqayaan Komishanka Doorashooyinka Somaliland in sida ugu dhaqsaha badan u
xaliyaan tabashooyinka tirada goobaha codbixinta ee ka soo yeedhayo deegaano
kala duwan oo dalka ah.
8.
Sidoo kale waxanu Komishanka Doorashooyinka Somaliland la
socodsiinaynaa in ay xaq u leeyihiin dadka naafada ah ee Somaliland in la
gaadhsiiyo wacyigalinta doorashada iyo sida ay u codayn lahaayeen. Ka reebida
aad haatan ka reebteen wacyigalinta
muwaadiniinta naafada ah oo ay ku jiraan dhagoolayaal indhoolayaal waxay
xadgudub ku tahay doorashada xorta ah ee xalaasha ah.
ILAAHAY AYAA MAHADI U SUGNAATAY
Suleiman Ismail Bolaleh
Gudoomiyaha
Gudiga Ilaalada
Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ee Horn Watch
ahna Afhayeenka Difaacayaasha Xuquuqda
Aadamiga Somaliland
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment