Lambarka Codaynta 307
Tirada taageerayaasha Musharax Cabdiraxman Cali Giire ayaa ruxay dariiqyada
waaweyn ee caasimada Hargeisa iyagoo ka qayb galaya maalintii ugu dambaysay ee
xisbiga Kulimiye u lahaa ololaha doorashada musharaxa oo beerta xoriyada kula
hadlayay taageerayaashiisa iyo kuwa musharaxiinta xisbiga Kulmiye waxa uu daboolka
ka qaaday qorshayaasha uu hirgalindoono haddii ay isaga codkooda siiyaan
qorshayaasha musharax Giira uu u soo bandhigay guud ahaan muwaadiniinta ku nool
caasimada dalka ee Hargeysa waxay kala yihiin:
1.
Cashuurta
D/Hoose waxa la galin doonaa habka casriga oo Computerized ah kaasi oo mehered
kasta guri kasta cashuurtii ay bixiyeen cadadkeeda iyo magacoodaba ay ka
akhrisan doonaan Website loo samayn doono D/Hoose gaar ahaan qaybtiisa Waaxda
Dakhliga Cashuuraha. Sidoo kale cashuurta dadwaynaha laga ururiyo halka aya ku
baxdo iyana Website-kaasi ayay kala socon doonaa!!!!!;
2.
Dhamaan
Degmooyinka Caasimada waxa D/Hoose ee Hargeysi ka hirgalin doontaa Xarumo
Caafimaad oo habeenkii heegan ah ayna ka hawlgalaan xirfadlayaal caafimaad oo
aqoon la hubiyay lehi!!!!!;
3.
Taxi-yada
Caasimada waxa lagu buufin doonaa midab gaar ah oo lagu aqoonsado sida
caasimadaha dunida oo kale!!!!!;
4.
D/Hoose
ee caasimada qaabdhismeedkeeda waxa lagu soo kordhin doonaa Waaxda Waxbarashada
iyadoo la siin doono dhamaan dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sare ee xukuumada
miisaaniyad kabniin ah oo Wasaarada Waxbarashadana lagala shaqayn doono si loo
tayeeyo waxbarashada ubadkeena. Waaxdani waxay si joogto ah u kormeeri doonta
dhamaan dugsiyada dawlada iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee ku yaal Caasimada
Hargeysa si loola socodo waxa la barayo ubadkeena!!!!!;
5.
Gudiyo
Dadwayne ayaa laga samayn doonaa dhamaan degmooyinka iyo xaafadaha caasimada
gudiyadaasi oo Golaha Deegaanka Hargeysa kala talin doona arimaha nabadgalyada
iyo amaanka khuseeya iyo baahiyaha haysta dadwaynaha ku nool degmooyinka iyo
xaafadaha caasimada!!!!!;
6.
D/Hoose
ee Caasimadu waxay iyadoo kala shaqaynaysa Wasaarada Caafimaadka ee Xukuumada
Somaliland daraasad ku samayn doontaa dhamaan xarumaha Cilaajyada loo yaqaano
oo ay dadwaynuhu u doontaa caafimaad, daraasadan ayaa diirada saari doonta
tayada adeegyada caafimaad ee ay bixiyaan xarumaha Cilaajyadu iyo hawlwadeenada
ka hawl gala goobahaasi, gabogabada daraasadan waxa ka soo bixi doonta siyaasad
iyo shuruuc lagu dhaqo xarumaha Cilaajyada iyo adeegyada ay bixiyaan taasi oo
D/hoose ee Hargeysi ay hirgalin doonto!!!!!;
7.
Sanadka
Koowaad waxa D/hoose oo kaashanaysa Haya’adaha Qaramada Midoobay kuwa Caalamiga
ah iyo Xukuumada Somaliland la gaadhsiin doonaa dhamaan degmooyinka iyo
xaafadaha Caasimadda Biyaha oo aasaasi u ah nolosha codbixiyayaasha
muwaadiniinta ah.
Hadaba Muwaadin si qorshayaashaasi uu u hirgaliyo u hur
oo u codee Musharax Cabdiraxmaan Cali Giire oo lambarkiisa codayntu yahay 307
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment