HORNWATCH Index: S/land
119/1/12
Ku:
H. E. Axmed Maxamed Maxamuud ‘Siilaanyo’
Madaxwaynaha JSL
Xarunta Madaxtooyada Somaliland
Hargeisa, Somaliland
Ku:
Komishanka Gudida Doorashooyinka Qaranka Somaliland
Xarunta
Komishanka Doorashooyinka
Hargeisa,
Somaliland
Og:
Xisbiyada iyo Ururada Siyaasada Somaliland
Og:
Qaadhaan bixiyayaasha doorashooyinka Somaliland
Og: British, US, Denmark,
Norway, Holland Embassies & EU, AU, IGAD regional offices in Ethiopia,
Kenya
Og: Human Rights Watch,
Amnesty International, East &Horn of African Human Rights Defenders Network
in Kampala, Uganda
Og: National Endowment of
Democracy, DANIDA, UN Somalia/Somaliland Political Office, UN Independent
Monitoring Committee on Somalia and Eretria embargo
Og:
Warbaahinta Gudo iyo Dibad
Public Statement
Released Today: 30 October 2012
Ujeedo: Murugada taal Somaliland
Doorashada Horteed & Mawqifka Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland
Mudane Madaxwayne,
Difaacayaasha Dhexdhexaadka ah ee
Xuquuqda Aadamiga Somaliland iyo dhaqdhaqaaqyada dimuqraadiyad doonka ah oo
ixtiraam farobadan kuugu haya xilka qaran ee ay shacabka Somaliland kuu
doorteen, waxanu si xushmad leh kuula socodsiinaynaa werwerka aanu ka qabno
xaaladaha uurku taalada leh ee haatan dalkeenu maraayo gaar ahaan dhinacyada
nabadgalyada iyo amaanka muwaadiniinta, xadhiga sharcidarada ah, jidhdilka iyo
gabood falada kale ee lidka ku ah xuquuqda iyo xoriyadaha aasaasiga ah ee
dastuuriga ah oo hay’adaha sharcifulinta Somaliland ay la beegsanayaan
muwaadiniinta iyo ajaanibka dalka ku sugan, farogalinta ay xukuumadaadu la
bartilmaameedsanayso xisbiyada iyo ururada mucaaridka ah
qaarkood, iyadoo ay xukuumadaaduna u
isticmaalayso hantidii qaranka ku soo saarista musharixiinta ka tirsan xisbiga
talada dalka haya ee Kulmiye. Sidoo kale falalka lidka ku ah maamul wanaaga ee
ka jira hay’adaha sarsare ee xukuumada iyadoo Komishanka Sare ee Doorashooyinka
Qarankana ay dibada haatan u soo baxeen falal musuqmaasuq oo ay ku kaceen.
Waxanu Mudane Madaxwayne
quudaraynaynaa in aad talaabooyin wax ku ool ah ka qaadi doonto dhibaatooyinkan
aanu kuu soo bandhigayno.
Xadgudubyada lidka ku ah
Suxufiyiinta Madaxabanaan ee Somaliland:
Tan iyo la soo noqoshada
madaxbanaanida Somaliland oo haatan laga joogo 22 sanadood waxa markii ugu
horaysay dalka Somaliland gudihiisa qudha lagaga jaray wariyihii ugu horeeyay
oo ka tirsanaa saxaafada madaxabanaan Wariye Ahmed Saakin Farax oo telefishanka
Universal uga soo warami jiray magaalada Laascaanood isla markaasina ahaa
wakiilkii ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ee gobolka Sool. Dilka
wariyahan ayaa imanaya iyadoo doorashooyinkii dawladaha hoose ay ka hadhsan
yihiin in ka yar bil iyo badh, iyadoo xukuumada Somalilandna aanay ka hadal
falkaasi tacsi mooyaane, iyadoo tan iyo markii xukunka dalka uu la wareegay
madaxwayne Siilaanyo uu kor u kac xaddhaaf ahi ku yimi tacadiyada ay
xukuumadiisu ku hayso warbaahinta madaxabanaan iyo hawlwadeenadaba oo si joogto
ah ula kulma handadaad, xadhig sharcidaro ah, iyadoo laga maanaco helida
wararka. Waxana ay diiwaangaliyeen Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland
xadgudubyo aad uga tiro badan tacadiyadii ay saxaafada madaxa banaan u gaysan
jireen xukuumadihii ka horeeyay xukuumadan Siilaanyo.
Hay’adaha Sharcifulinta Somaliland
iyo Xadhiga Sharcidarada ah, Jidhdilka ee Muwaadiniinta:
Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga
Somaliland ayaa xogogaal u noqday in xadhiga sharcidarada ah, jidhdilka,
bahdilaada iyo gaboodfalada ay hay’adaha sharcifulinta Somaliland la beegsadaan
muwaadiniinta iyo ajaanibka ku sugan dalka gudihiisu uu aad u kordhay xiligan
ay kaabiga inagu soo hayso doorashooyinkii dawladaha hoose. 20 October 2012
Ciidamada Qaranka ee fadhigoodu yahay Bariisle oo duleedka Lawyocado ku taal
ayaa 18 ruux oo rayid ah kuwaasi oo isugu jiray 15 reer Somaliland ah, 2 reer
Somalia ah iyo hal Itoobiyaan ah ka soo qabqabteen magaalada xuduuda ku taala
ee Lawyo-cado, iyadoo markii ay qabqabanayeen ciidanku ragaasi si fool xun u
garaacay, habeenkii koowaad waxa lagu xidhay Lawyo-cado, habeenkii labaadna
waxa loo qaaday oo lagu xidhay tuulada Geerisa, iyadoo aroornimadiina lagu soo
qaaday baabuur Ciidanka Qaranka Somaliland leeyihiin iyagoo dhamaan ragaasi
xadhko loogu xidhxidhay dhigahii baabuurka ayaa si toos ah waxa loo keenay oo
lagu xabisay xerada ciidamada qaranka ee Birjeex oo ku taal Hargeisa. Qaar ka
mid ah dadkan rayidka ah waxa ay ka mid ah
- Jamaal Cabdi Habane
- Ahmed Cabdi Habane
- Maxamed Carab Maxamuud
- Cabdi Farax Samade
- Ahmed Abdilaahi
- Liibaan Sahal
- Cabdixakiim xuseen Liibaan
- Cilmixakiim Xaashi Hufane
- Maxamed Barkhad Aanayte
- Muuse Xasan Warsame
- Faarax Maxamed Xasan
- Najax jaamac Roble
Markii ay labo maalmood ku
xidhnaayeen xabsi ciidan oo ku dhexyaala xerada ciidanka qaranka ee Birjeex
ayaa la horgeeyay dhamaan dadkan maxkamada ciidamada taasi oo waydiisay
maxaabiistan in ay ka tirsanaayeen Gaaska 1aad ee ciidanka Qaranka, waxayna
maxaabiistani ugu jawaabeen ma nihin ciidan waligayana ciidan ma aanaan noqon.
Kadib waxa loo qaaday dhinaca xabsiga Hargeisa si loogu xidho balse waxa ku
diiday oo ku gacan saydhay in ay qabtaan maxaabiistan maamulka Xabsiga Dhexe ee
Hargeisa, kuwaasi oo u sheegay in ay kaliya qabtaan maxaabiista sifo sharci ah
loogu soo gudbiyo. Kadib waxa dib loogu celiyay maxaabiistan xabsigii ciidanka
ee ku yaalay xerada Birjeex dhexdeeda.
Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga
Somaliland waxa layaab iyo fajac ku noqotay tan iyo markiii dalka laga xoreeyay
taliskii dhiigyo cabka ahaa ee Siyaad Barre oo xerada ciidanka ee Birjeex u
isticmaali jiray tacadiyada iyo naxariisdarada ee uu u gaysan jiray
muwaadiniinta reer Somaliland ayaa nasiibdarada dhacday waxay in 22 sano kadib
markii ugu horaysay xukuumada Madaxwayne Siilaanyo ay bilowday in sifo sharci
daro ah oo lafjab ku ah xoriyada iyo xuquuqaha aasaasiga ah ee uu jideeyay
dastuurka Somaliland dalka ay kula kacdo qaar ka tirsan muwaadiniinta
Somaliland oo haatan mudo toban habeen ah ku xabisan xerada ciidamada ee
Birjeex, goobtan lagu xabisay muwaadiniintan ayaa ah goob gabi ahaanba ay
xaaraantinimaynayaan shuruucda dalku in lagu xidho dad rayid ah, sidoo kale
ilaa iyo haatan lama horgaynin maxaabiistan maxkamada sharcigu ogol yahay.
Farogalinta Xukuumada ee
Xisbiyada/Ururada mucaaridka Qaarkood:
Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga
Somaliland waxay diiwaangaliyeen falal farigalin toos ah oo ay xukuumadda
Somaliland la bartilmaameedsatay labada Xisbi/Urur siyaasadeed ee ugu waawayn
asxaabta siyaasada ee mucaaridka Somaliland, kuwaasi oo kala ah Xisbiga UCID
iyo ururka UMADDA, iyadoo Xukuumada Siilaanyo qaaday talaabooyin ay ku kala
furfurayso hogaamada sarsare ee labadan xisbi mucaarid iyadoo ugu
balanqaadaysay xilal iyo lacag tiro badan waxayna weeraradan noocan ah
xukuumada Siilaanyo u adeegsatay hogaamiyayaal dhaqameedyada gaar ahaan
salaadiinta iyo cuqaasha beelaha Somaliland, shirqoolkii ugu dambeeyay waxa
xukuumadu la beegsatay gudoomiye ku xigeenkii 3aad ee xisbiga UMADA oo isagu
iska casilay xilkii sare ee uu ururkaasi UMADA ka hayay. Gudoomiyaha Ururka
UMADA ayaa isagoo arintan ka hadlayana waxa uu warbaahinta u cadeeyay in
Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee ururkiisana ay si toos ah xukuumada Siilaanyo ula
soo xidhiidheen iyagoo kula baayactamay in uu iska casilo xilka uu ururka
UMADDA taasi badelkeedana uu heli doono lacag aad u farobadan iyo waliba xil
sare.
Sidoo kale musharaxiin ka tirsan
Xisbiga UCID oo u tartamaya doorashada dawlada hoose ayaa u xaqiijiyay in xubno
sarsare oo ka tirsan xisbiga taladda haya ee KULIMIYE ay la soo xidhiidheen oo
ay ku qalqaaliyeen in ay ka tanaasulaan tartanka ay xisbiga UCID uga
sharaxanyihiin taasi bedelkeedana ay xukuumada ka heli doonaan hanta iyo xilal
u qalma.
Falalka noocan ah ayaa gabi ahaanba
wajigabax fool xun ku ah geedi socodkii dimuquraadiyada Somaliland taasi oo
dhaawac xun u gaysanaysa isla markaasina shaki galinaysa in Somaliland ay ka
dhici karto doorasho xor ah oo xalaal ahi.
Haddii ay xukuumada Somaliland sii
wado talaabooyinka noocan ahna waxay fashil ku keenaysaa doorashada haatan ay
ka hadhsan tahay 30 maalmood, sidoo kale waxay dhaawaci kartaa hantida ugu
qaalisan ee umadda Somaliland haysato oo ah nabadgalyada.
U Isticmaalka Ololaha Doorashada
Hantidii Qaranka ee Xukuumada:
Dhinaca kale waxay Difaacayaasha
Xuquuqda Aadamiga Somaliland ay xogogaal u noqdeen in ay xukuumadda Madaxwayne
Siilaanyo ay u isticmaalayso hantidii Qaranka ololahooda doorashada Dawladaha
Hoose, iyadoo ay xafiisyo ugu furayso dadka ka sharaxan xisbigooda, isla
markaasina hantidaasi siinaysa cuqaal, salaadiin iyo hogaamiye dhaqameedo ay
filayso in ay saamayn ku yeelan karaan cida ay beelaha ay ka soo jeedaan u
codayn karaan.
Talaabooyinka noocan ah ee xukuumadu
ugu tagrifalayso hantida umadda u dhexda ahi waxay dhiirigalisaa in habdhaqanka
xun ee laaluushka iyo musuqmaasuqu ay ku sii xididaystaan shacbiga dhexdiisa oo
uu ka mid noqto caadooyinka lama dhaafaanka ah taasi oo naafaysa danta guud ee
dalka. Sidoo kale waa xanuunada ugu xun ee burburiya nidaam kasta oo
dimuquraadi ah.
Sidaasi darteed, waxay Difaacayaasha
Xuquuqda Aadamiga Somaliland cod dheer ugaga codsanayaan Madaxwayne Siilaanyo
in uu sida ugu dhaqsaha badan u joojisaa in ay shilin ka mid ah hantida qaranka
u isticmaalin ololahooda doorashooyinka nooc ay doonaanba ha ahaadeene. Waxana
aanu xasuusinaynaa in haddii hanta qaran dawladi ku sii joogi karayso in ay
UDUB ku sii joogi lahayd.
Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga
Somaliland waxay ugu baaqayaan Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo in sida ugu
dhaqsaha badan u dajiyo sharcigii damaano qaadi lahaa in aanay olole doorasho u
isticmaalin HANTI QARAN xukuumad kasta oo qaranka Somaliland uu yeesho,
sharcigaasi marka ay samaysayso oo golaha wasiiradu ansixiyaan waa in ay
Madaxwayne Siilaanyo si degdeg ah ugu gudbiyaa golayaasha sharci dajinta si ay
uga doodaan una ansixyaan isagoo ka codsanaya madaxwaynuhu golayaasha sharci
dajinta in ay degdeg u gudo galaan sharciga ugana qabsadaan waajibaadkooda
dastuuriga ah.
Musuqmaasuqa Komishanka Sare ee
Doorashooyinka Qaranka iyo Madmadowga ku jira Xeerka doorashooyinka D/hoose:
Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga
Somaliland oo si taxadar badan ugu dhabo galayay xilgudashada Komishanka Sare
ee Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayay ku ogaadeen in qaab uu madmadow
badani ku jiro ay u maamulayaan qadaraasyada gudigaasi bixinayaan si ay u
qabtaan doorashadan Dawladaha Hoose, iyagoo bixinta qandaraasyadaasi aan u
marin habkii sharcigu ogolaa oo ah in ay si dhex ah u naadiyaan. Balse taasi
bedelkeeda waxay qandaraasyadaasi siiyeen shirkado iyo ashkhaas ay masaaliix
gaar ah ka helayaan.
Waxana talaabooyinkan musuqmaasuq ee
hogaanka sare ee Komishanka Doorashooyinka Qaranku samaynayaan meesha ka
saaraysaa sidii ay ku dhaarteen oo ahayd in ay dhex u noqdaan tartamayaasha iyo
axsaabta siyaasada oo dhan. Waxana ay horseedi kartaa in ay ku dhawaaqi karaan
go’aamo aan xalaal ahayn. Iyadoo dhinaca sharciyada lagu dhaqayo doorashada
dawladaha hoosena uu galdaloolooyin badani ka jiraan gaar ahaan qodobka 6aad ee
xeer lambar 14, oo ilaa hadda si sugan oo cad oo cadaalad ku salaysan aan loo
fasirin inkastoo ay ka kulmeen jilayaasha doorashooyinka Somaliland. Marka lagu
daro musuqmaasuqa ka jira hogaanka sare ee doorashooyinka Somaliland ayaa tani
waxay daaha ka faydaysaa in gabi ahaanba ay macno ahaan dhabarka ay ka jaban
tahay nidaamkii tacabka badani kaga baxay umadda reer Somaliland ee ay ku
dhisayaan nidaam dimuqraadi ah oo shaqaynaya.
Ilaalinta Hantida Muwaadiniintu waa
waajib saaran xukuumada Somaliland:
Sanadihii ugu dambeeyay waxay
shacbiga reer Somaliland dhibanayaal u noqdeen oo hantidoodiina lagu dhacay
falal dhac ah oo ka mid ah kuwa ay umaduhu ka samaystaan dawladaha si ay uga
ilaaliyaan hantidooda in lagu dhaco. Waxa ka mid ah falalkaasi kii loo yaqaanay
Jiif oo jaq kaasi oo hanta malyuumaad dollar ah lagaga dhacay shacbiga
saboolka ah ee ruuxii uu maalintii ku nool yahay in ka yar hal Dolarka
Maraykanka ah.
Markale muwaadiniin farobadan ayaa
saamiyo ku yeelatay shirkaddii xawaaladaha ee Qaran Express, maadaama oo ay
dawlada Somaliland siisay ruqsadii ay dalka kaga shaqaynayso.
Balse xawaaladaasi waxaynu ognahay
in ay masalaftay iyadoo tusaale ahaan reer Hargeisa oo kali ahi sheerarka ay
gaadhayeen labo milyan iyo lix boqol oo kun oo Dolarka Maraykanka ah
(US$2,600,000). Hantidan oo ilaa hadda wax war ah aanay ka haynin
muwaadiniintii reer Somaliland ee iska lahaa, balse waxa Difaacayaasha Xuquuqda
Aadamiga Somaliland, nasiib wanaag u arkaan in hal fooq oo yar oo shirkadaasi
ku leedahay badhtamaha farasmagaalaha caasimada Hargeisa, fooqaasi oo ah
hantida kali ah ee shirkadaasi kacday ku leedahay guud ahaan dalka Somaliland.
Nasiibdaro, Difaacayaasha Xuquuqda
Aadamiga Somaliland, waxay heleen xogo iyo xaqiiqooyin rasmi ah kuwaasi oo
xubno ka tirsan hogaankii sare ee maamulka shirkadii Qaran Express ku doonayaan
in si qarsoodi ah u iibiyaan fooqaasi. Sidaasi darteed, Difaacayaasha Xuquuqda
Aadamiga Somaliland waxay ugu baaqayaan Wasiirada labada wasaaradood ee
Cadaalada iyo Maaliyadu arinkaasi hantida muwaadiniinta Somaliland ka jirtay
Shirkadii Qaran Express u saaraan Gudi heer qaran ah oo culimada waawayn ee
dalku ku jirto kuwaasi oo lagu wareejiyo Fooqaasi shirkadu ku lahayd dalka si
ay ugu kireeyaan saamilaydii sifaha sharci saamiyada ugu lahayd shirkadaasi ee
dalka Somaliland u dhashay. Habkaasi oo kali ah ayaanu u aragnaa in muwaadiniintaasi
ku heli karaan hantida lagaga dhacay shirkadaasi, maadaama oo aanay dawlada
Somaliland Bangiga Dhexe ee Qaranka ka dhigin shirkadaasi xawaalada ee kacday
wax hanti damaanad ah oo hadii dhac ay u gaysato muwaadiniinta ay adeegyada u
hayso la siiyo.
Waxa kale oo Difaacayaasha Xuquuqda
Aadamiga Somaliland ugu baaqayaan Xukuumada Somaliland gaar ahaan wasaarada
Maaliyadu in ay ku soo rogaan dhamaan xawaaladaha tirada badan ee sidii
madaariska oo kale uga shaqeeya dalka oo qaar badan oo ka tirsan ay iska
leeyihiin dad aan u dhalan dalku in lagu soo rago in ay baanka Dhexe ee Qaranka
Somaliland ku soo shubaan hanta lacageed oo adag oo damaanad ka noqota hantida
iyo adeega maaliyadeed ay ay shacbiga Somaliland u hayaan shirkadahaasi haddii
dhac ku yimaado.
ILAAHAY
AYAA MAHADI U SUGNAATAY
Suleiman Ismail Bolaleh
Gudoomiyaha
Gudiga Ilaalada Xuquuqda
Aadamiga Geeska Afrika ee Horn Watch
Isla markaasina ah
Afhayeenka Difaacayaasha
Xuquuqda Aadamiga Somaliland
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment