Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa qorsheeyey falal Budhcad Codeednimo ah oo aan hore loogu arag Somaliland kuwaas oo Codbixiyayaasha, Tartamayaasha iyo Daneeyayaasha Doorashada qaarkood ay fashiliyeen horaantii bishan aynu ku jirno ee Nov 2012. Falalka Budhcad Codeednimada Casriyeysan ee KDQ qorsheeyey ee sida weyn looga biyo diiday waxaa ka mid ah Talaabooyin cadaalad darro iyo nin jeclaysi ah, kuna salaysan Cunsuriyad iyo U kala-Eexasho Codbixiyayaasha, Tartamayaasha, Goobaha Codbixinta iyo Degmooyinka JSL kuwaas oo laba waji oo foolxun oo iska soo horjeeda lagu saleeyey hirgalintooda waxaanay kala yihiin:
1. In Goobo Codbixineed oo hore u jiray Degaanada qaarkood laga tirtiro si loo yareeyo tirada Sanaaduuqda iyo Waraaqaha Codbixinta ee loo gudbinayo Deegamadaas. Wajigan oo ah Xatooyo Xaq Doorasho waxaa loogu talo galay in lagu yareeyo tirada Codbixiyayaasha Degmooyin si gaar ah loo calaamadsaday. Talaabadani waxay saamayn taban ku yeelanaysa Musharaxiinta iyo Ururada codka ka doonaya Deegaamadaas. Qorshahan waxaa loogu talo galay Deegaamada Codbixiyaasha ku nooli ay taageeradooda u muujiyeen Musharaxiin KDQ doonayaan in aanay soo bixin oo Xildhibaano noqonin iyo Ururada aan la rabin inay guulaystaan ama noqdaan saddexda Xisbi Qaran ee soo baxaya. Qorshahan Fulaynimada iyo farsamo xumada ah waxaa lagu saleeyey fikiro qaldan iyo fariimo aan la hubin oo la ururiyey intii lagu jiray geedi socodka Doorashadan Golayaasha Deegaanka ee Olalaheeda lagu gudo jiro iyo tii Madaxtooyada ee 2010.
2. In Goobo Codbixineed oo aan hore u Jirin Deegaamada qaarkood loo sameeyo si loo kordhiyo tirada Sanaaduuqda iyo Waraaqaha Codbixinta ee loo gudbinayo Deegamadaas. Wajigan oo ah Sad-bursiimo Xaaraan ah waxaa loogu talo galay in lagu kordhiyo tirada Codbixiyayaasha Degmooyinkaas sida gaar ah loo calaamadiyey. Talaabani waxay saamayn togan ku yeelanaysaa Musharaxiintii iyo Ururadii codka ka doonayey Deegaanadaas. Qorshahanna waxaa loogu talo galay Deegaamada Codbixiyaasha ku nooli ay taageeradooda u muujiyeen Musharaxiin la doonayo inay soo baxaan oo Xildhibaano noqdaan iyo Ururada la doonayn inay guulaystaan kana mid noqdaan saddexda Xisbi Qaran ee soo baxaya.
Markiiba arrintani waxay ku keentay KDQ inay lumiyaan kalsoonidii Shacabka waxaana la soo gaadhsiiyey Cabashooyin, Canaan iyo Canbaarayn xoog leh oo ka timi qaybo ka mid ah Codbixiyayaasha, Musharixiinta, Masuuliyiin ka tirsan Urarada tartamaya, Madax Dhaqameed, Gudiyada Beelaha iyo Daneeyayaasha kale ee Doorashada Golayaasha Deegaanka ee 28 November 2012. Codbixiyayaasha, Tartamayaasha iyo Daneeyayaasha Doorshada Qaarkood ayaa waxa ay Fagaarayaal, Shirar Jaraa’id oo aay qabteen, Qoraallo iyo Qalabka Warbaahintaba kaga digeen cawaaqib xumada ka dhalan karta Natiijada Doorsho aan Xor iyo Xalaal ahayn.
Waxa kale oo qaybahan Bulshadu caddeeyeen in ay qaadacayaan Doorashada haddii KDQ aanu ka noqon Qorshahan.
Qorshahan ama Mu’aamaraadkan Maxalliga ah ee lagu Duudsiyayo Xuquuqda Doorasho ee Dastuurku siiyey Muwaadiniinta JSL isla markaana Sumcaddii wanaagsanayd ee Doorashooyinka Somaliland lagu xumaynayo ilaa hadda ma jiraan wax talaabo ah oo KDQ ama Dawladuba ka qaaday Ciddii ka dambaysay. Jawaabta kaliya ee laga hayo KDQ waa inay tix galinayaan Cabashooyinka soo gaadhay dib u eegisna ku samaynayaan qorshahan sidaana waxa wiigan Warbaahinta u sheegay Af hayeenka KDQ mudane Maxamed Axmed Xirsi(Geelle).
Hadaba su’aasha dad badani is weydiinayaan ayaa waxa ay tahay ma ku filan tahay Jawaabtaasi oo ma soo celin kartaa Aaminaaddii iyo Kalsoonidii shacabka.
Jawaabtu waa maya oo ma kafayso, Ummadda Somalilandna ku qanci maayaan hadalkaas Afhayeenka KDQ oo qudha laakiinse waxaa looga fadhiyaa KDQ iyo Xukuumadda JSL ee uu hogaamiyo Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo inay la yimaadaan soona bandhigaan qaorshe buuxa oo muujinaya in Goobaha codbixinta, Sanaaduuqda iyo waraaqaha codbixintaba ee
Deegaamada kala duwan ee JSL ay helayaan lagu saleeyo Tirada dadka ama codbixiyaasha ku nool Goballada, Degmooyinka iyo Tuulooyinka JSL.
Qorshahan lagu bedalayo kii hore ee fashilmay waa inuu noqdaa mid Cusub oo Codbixiyayaasha Somaliland dhamaantood ama inta ugu badan ee suurto gal ah ay kaga qayb qaadan karaan Doorashada Golayaasha Deegaanka maadaam oo Bilaa-Diiwaan galin lagu footaaynaayo doorkan.Tusaalahan hoose ee aan soo diyaariyey waa mid ku salaysan Xaqiiqada ka jirta Somaliland, Qorshihii la diiday ee KDQ kana uga dhow xagga Caddaaladda iyo Dhowrista Xuquuqda Doorasho ee Muwaadiniinta JSL. Faahfaahinta Tusaalahanina waa:
1. Tirada dadka Somaliland waxa lagu qiyaasay ilaa 3.5 Malyuun.
2. Tirada Codbixiyayaasha Somaliland waxay noqon karaan ilaa 2,000,000 – 2,200,000( 2 Malyuun ilaa 2 Malyuun iyo laba boqol oo kun) Qof. Inta soo hadhay waxay noqon karaan dad aan gaadhin Da’dii lagu codaynayey, dad ka maqan dalka iwm.
3. Tirada Waraaqaha Codbixinta ee loo baahan yahay waxay waxoogaa ka badan tahay Tirada Codbixiyayaasha kore (2,000,000 – 2,200,000). Inta dheeraadka ahina waa waraaqaha Xumaanaya iwm.
4. Tirada Sanaaduuqda loo baahan yahay waa 2 kun oo Sanduuq oo midkiiba loogu talo galay 1000 waraaqood ama 4 kun oo sanduuq oo midkiiba loogu talo galay shan boqol oo waraaqo codbixineed.
5. Tirada Goobaha Codbixinta ee loo baahan yahay waa 6000 – 6500(Lix kun ilaa lix kun iyo shan boqol) kuwaas oo tirada codbixiyayaasha kor ku xusani ka codayn karaan maalinta codbixinta.
6. Tirada Codbixiyayaasha ka codayn kara Goob kasta waxay noqonayaan marka laysku celceliyo 350 – 360 oo Qof. Waxaan ku saleeyey in qof kastaaba qaadan karo 2 Daqiiqadood si uu u codeeyo maalintaas.
7. Tirada Saacaddiiba Codayn karaana waxay noqonayaan 30 Qof. Sidaa darteed 12 ka Saacadood ee maalinta codbixinta waxaa goob kasta ka codayn kara 360 oo Qof.
8. Tirada guud ahaan lixda kun ee Goobood Codkooda ka dhiibanayaana waxay noqonayaan Codbixiyayaal dhan 2,160,000(laba Malyuun, boqol iyo Lixdan kun) .
Waxaan ku soo Gebagebaynayaa qoraalkan maaha markii ugu horaysay ee KDQ kasbadaan Fadeexad ee waxaa jiray qaar hore oo dul hoganaya kana raacay ficilo hore iyo farsamooyin qalad ah oo ay ikhtiraaceen sida tirtiriddii Calaamadaha iyo Sawiradii Codbixiyayaashu ku kala garan jireen tartamayaasha Doorashooyinkii hore. Nidaamkan cusub ee KDQ soo dejiyey waxa uu Cunsuriyad iyo Cunaqabatayn ku yahay Codbixiyayaasha tirada badan ee aan waxna Qorin waxna Akhriyin.
Nidaamkani waxa kale oo uu ku khasbayaa codbixiyaasha inay Calaamadda 100% dul dhigaan Shaxanka iyo Xariijimaha isku dhowdhow ee ku hor qoran lambarka ay dooranayaan.(haddii ay lambarka gartaanba). Haddii kale Codkooda waxa la qorayaa inuu xumaaday inkasta oo ay Codbixiyayaashaasu dedaaleen.
Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxa kale oo loo aanaynayaa in ay door laxaad leh ka qaateen Maadaama oo ay Doorshada ku dhawaaqeen ka hor intaan Maxkamadda Dastuuriga ahi go’aan ka gaadhin Dacwadiii Ururadii Siyaasadda ee wareegii hore la reebay. Waxa kale oo si weyn waxa looga saarayaa Burburka ku dhacay Xisbigii UDUB ee keenay Gudoomiyaha KDQ mudane Ciise Yuusuf Xamari iyo laba Xubnood oo kale oo ka mid ah 7 Xubnood ee KDQ ka kooban yahay.
Dhinaca kale waxa dad badani aaminsan yihiin in KDQ aanu awood u lahayn uu wax kaga qabto caddaalad darooyinka ay ka mid yihiin Xadhiga iyo caga juglaynta lagu samaynayo Musharaxiinta iyo Ururada Qaarkood iyo waliba Gabood falka ay samaynayaan Xisbul Xaakimka iyo Xukuumadda oo Masuuliyiin ka tirsani ku milmeen kana qabqaadanayaan Ololaha Doorashada Deegaanka ee 28 November 2012.
Waa Mahadsan tihiin
Axmed Naasir Xirsi Maxamed
ahmedlibaah@gmail.com
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment