Baadhitaan urur caalami ah ku waday xabaalo-wadareedyo laga aasay dad badan oo ah shacab u dhashay Somaliland oo ay laayeen ciidammadii taliskii Siyaad Barre sannadihii siddeetamaadkii, ayaa laga soo saaray shalay warbixin lagu caddeeyey tirada lafaha dadka la xasuuqay iyo qaabkii loo laayey.
Baadhitaankan oo ay fulinayaan khubaro ka tirsan ururka caalamiga ah EPAF oo qorshuhu yahay inuu socdo ilaa shan sannadood, ayaa soo gebagabeeyey qoditaanka laba xabaal-wadareedkii ugu horreeyey oo ku yaal xaafadda Badhka ee caasimadda Hargeysa, kuwaas oo laga soo saaray lafaha 38 qof oo si axmaqnimo ah loo xasuuqay, kadibna lagu guray godod loo diyaariyey, iyadoo warbixinta baadhitaannadaas laga soo saaray tilmaantay astaamihii dadkaasi kala laayey iyo siyaabaha xabbadda loola dhacay.
Masuuliyiinta Guddiga Dabagalka Xasuuqii Somaliland iyo khubarada ururka EPAF ee baadhitaannadan samaynaya, ayaa hudheelka Adam’s Inn oo magaalada Hargeysa ugu soo bandhigay warbaahinta shalay lafaha, maryaha iyo waxyaabo ay siteen dadkii lagu aasay labadaas xabaalo-wadareed oo inta qof walba lafihiisii iyo xubnihiisii gaar loo habeeyey la doonayo in lagu sameeyo baadhitaan buuxa oo qalab loo adeegsanayo, waxaanay faahfaahin ka bixiyeen warbixin hordhac ah oo iftiiminaysa xogaha ay heleen iyo tallaabooyinka cusub ee u qorshaysan.
Guddoomiyaha Guddiga Dabagalka Xasuuqii Somaliland Mr. Khadar Axmed Like, ayaa faahfaahin ka bixiyey natiijada uga soo baxday baadhitaannada lagu sameeyey labadaas xabaalood, waxaannu yidhi, “Hawlgalkii aannu ku baadhaynay labadii xabaalo-wadareed ee Badhka ee aannu wadnay ayaannu maanta oo ah 17 Oct. 2012 doonaynaa in aannu gebagebadii halkan ku soo bandhigo.
Halkaas waxa laga helay 38 qof, kuwaas oo qoladan inala joogta ee khubaradu caddeeyeen sidii loo dilay inay ahayd xasuuq, si naxariis-darro ahna rasaas loogu furay kadibna loo duugay, iyadoo si aan dan laga lahayn dadkaasi la isugu dul tuulay.
Waxa kale oo ay muujiyeen qof kasta intii rasaas ahayd ee ku
dhacday iyo sidii loo dilay, waxaanna ka mid ah qofkii gashanaa
safaarigaas (surwaalka iyo shaadhka safaariga loo yaqaan oo mid ka mid
ah dadka la laayey xidhnaa) waxa laga tiriyey 25 xabbadood inta ku
dhacday.
Waxay inoo caddeeyeen khubaradu in dilka noocaas ah xasuuq ahaa, sidaa naxariis-darrada ah ee loo laayeyna ay iyagu caddayn doonaan. Xabaalihii waa laga soo wada qaaday wixii laga helay oo qof walba lafihiisii gooni baa la isugu geeyey oo loo habeeyey. Sidaas ayaa lagu caddayn karaa in qof waliba siduu u ekaa iyo sida looga qaadayo baadhitaannada dheeraadka ah.”
Waxa kaloo Mr. Like uu sheegay in baadhitaankan xasuuqa ay ka faa’iidaysteen qaar ka mid ah ardayda jaamcadaha dalka, kuwaas oo cilmi fara badan ka faa’iidaya khubaradan caalamiga ah, isla markaana aqoontoodu hanti u noqon doonto dalka.
Madaxa qiimaynta baadhitaannada laabarotoriga ee khubarada caalamiga ah Mr. Franco Mora, ayaa sharraxay baadhitaannada ay ku samaynayaan qalfoofyada la soo saaray, isagoo tusaale ku bixiyey lafaha saddex qof oo miisaas dhaadheer dushooda la isugu hagaajiyey sidii lafuhu isu lahaayeen, kadibna tilmaamay meelaha xabbadaha laga dhuftay iyo astaamaha lafaha ama ilkaha ay kala lahaayeen iyo weliba da’dooda.
“Waxaannu helnay tilmaamo muujinaya in dadkan laga toogtay qaybta hoose, gaar ahaan lugaha iyo qaybta sare, halka kuwa kalena rasaasta lagaga dhuftay madaxa,” ayuu yidhi Franco.
Mr. Franco Mora oo weriye ka tirsan Jamhuuriya waydiiyey da’da ay u badnaayeen dadka la laayey iyo inay wax dumar ah ku jiraan 38ka qof ee lafahooda la baadhay, waxa uu ku jawaabay; “Weli maannu dhammayn warbixinta baadhitaankooda. Waxaannu eegnay tiro kooban, laakiin sannadka dambe ayaannu dhammaystiraynaa warbixinta oo dhammaystiran, balse qofkani (qalfoof isku dhan oo miis la saaray) qiyaastii da’diisu waxay u dhexaysaa 30 ilaa 40 jir, waxaannuse aragnay dad yaryar sida 13 jir iyo kuwo 15, 16 iyo 17 sanno jir ah. Weli ma hayno wax dumar ah ilaa toban ka mid ah oo aannu baadhnay.”
Mar uu ka jawaabayey inay u qorshaysan tahay inay warbixinahooda u gudbin doonaan beesha caalamka sida ururrada xuquuqda aadamaha iyo Maxkamadda Dambiyada Dagaalka si loo aqoonsado xasuuqii ka dhacay Somaliland, waxa uu yidhi; “Waxaannu xog badan ka haynaa taariikhda Somaliland. Waxaannu ognahay in dhammaan dhibbanayaashu ka mid ahaayeen qabiilka Isaaq, sidaa darteed haddii aannu ogaanno in dadkani aanay ku dhiman dagaal ay ku jireen oo loo laayey si badheedh ah waa xasuuq, waana sida uu yahay runtii iminka, waayo marka la eego sida dadkan loo laayey.
Annaga xilkayagu waxa weeye in aannu xaqiijino inuu halkan ka dhacay xasuuq iyo in kale, marka aannu dhammaynayna waanu sheegaynaa.”
Dhinaca kale, dhallinyaro ka mid ah kuwa wax ka bartay jaamacadaha Somaliland oo la shaqaynayey khubarrada si ay aqoon uga bartaan ayaa iyaguna ka warramay waxyaabaha ay arkeena iyo aqoonta u korodhay.
This comment has been removed by the author.
ReplyDelete