Dilla (HORNWATCH4RIGHTSBLOG) – Xukuumadda Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo muddo 25 maalmood ah ku hawlanayd sidii ay u soo qaban lahayd gacan ku dhiiglayaashii deegaanka Seemaal dabayaaqadii sanadkii hore ku dilay saddexda qof ayaa shalay shaacisay Magacyadda 9 eedaysane oo lagu cadeeyay inay geysteen dilkaasi.
Wasiirka Wasaaradda arimaha gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa magacyada sagaalkan qof oo midna aan gacanta lagu heyn ka sheegay kulan ay degmadda Dilla kula yeesheen Odayaasha deegaankaasi isaga iyo masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka hawlaha guud Prof Ismaaciil Muumin Aare iyo labada taliye ciidan ee booliska iyo Milatariga.
Wasiir Duur ayaa sheegay inay ilaa hadda baadi-goobayaan eedaysanayaashan oo uu tilmaamay in lagu cadeeyay dilkaasi, waxaanu tilmaamay inay hadda gacanta ku mid ka mid ah laba nin oo gaadhi ku qaaday ragga falka geystay iyo rasaastoodaba, sidoo kalena ay hayaan laba eedaysane oo uu xusay in markhaati labaad oo falkaasi ku cadeeya loo waayey, kuwaas oo aanu magac dhabin.
Wasiirka daakhiliga Somaliland Md Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo ka hor inta aanu magacyadaasi sheegin yidhi “Marka dil dhaco caqligu ma taliyo ee caadifadaa shaqeysa, laakiin raggii maalintii dilku dhacay caqliga ku taliyey waan u mahad-naqayaa, markii dilku dhacay dedaal badan baa la galay, dedaalkaana waxay xukuumaddu u gashay in nabadu xasisho, anigana jawaabaa la iga sugayey, dadkii wax loo tirinayeyna jawaabaan ka sugayey, maydaan qodax la’ayna ogaada (Reer Dilla).” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo mid mid u sheegaya Magacyadda eedaysanayaasha “Dilbaa dhacay, hadda waxaanu ku daba joognaa siddeed (8) gacan ku dhiigle ku eedaysan iyo Odeygoodii oo Cawer-Xareed loo yaqaano, magacyadooduna waxay kala yihiin, Cismaan Cali Ducaale (Dagle), Jimcaale Yabaal Xirsi, Shucayb Cismaan Xirsi (Go’aaye), Af-yuub Aaden Dagal-fadhi, Yaasiin Axmed Nuur (Quful), Cabdi Cumar Cismaan, Maqas Maxamuud Maal, Mukhtaar Xuseen (Ganey), sagaalkaasi waxay ku eedaysan yihiin raggii dilkaa fuliyey, waxa dheer laba nin oo hawsha si fiican u qaban qaabiyey oo gaadiidkana ku qaaday rasaastana u qaaday, labadaa nin mid waanu haynaa midna waanu doon-doonaynaa.”
Md Duur waxa kale oo uu tilmaamay inay hayaan laba qof oo uu sheegay in markhaati labaad loo waayey “Waxa jira oo kale, laba qof oo idinka (Reer Dilla) xagiina eedooda laga qaaday, labadaa qof markhaati labaad may helin, laakiin sagaalka kale qof (Markhaatiyadda) kastaa wuu xusay”ayuu yidhi Maxamed Nuur Carraale (Duur).
Kulankan Wasiirku Magacyadda ka sheegay oo ay ka hadleen masuuliyiinta kale ee la socday ayaa waxa kalmado ka soo jeediyay odayaasha reer Dilla, waxayna xukuumadda iyo Wasiirka daakhiliga uga mahad-naqeen talaabada ay qaadeen “Aniga oo ku hadlaya afka reer Dilla Hambalyo ayaanu ku leenahay (Wasiir Duur), dilku wuu dhici jiray, laakiin cid baadhitaan samaysay oo na tidhaahda waxbaanu soo qabanay idinkaa noogu horeeya, anaga hanoo eexan oo Qiyaamahaaga ilaasho, laakiin dawgeyga ha iga qaadin, waanad ku mahadsan tihiin.”sidaa waxa yidhi mid ka mid ah odayaasha reer Dilla.
Dhinaca kale, odayaasha iyo cuqaasha beesha dilkaasi loo tuhmayo oo iyagu ka hor hadalka Wasiirka shir-jaraa’id ku qabtay Magaaladda Hargeysa ayaa sheegay in baadhitaan dheer oo ay sameeyeen ku ogaadeen in dilkaasi aanay beesha reer Xareed wax lug ah ku lahayn, iyagga oo xukuumaddana ku eedeeyay inay eeda falkaasi kula degdegtay, iyagga oo sheegay in Guddi baadhitaan oo beeshu u saartay falkaasina ay qoys-qoys kitaab gacanta ugu saareen oo ay u dhaariyeen “Guddidaasi waxay nin walba oo la tuhmayey halkiisa ayay ugu tageen, iyadda oo ragga badhkood oo beesha ah kitaab Qur’aan gacanta loo saaray, markaa beeshaa markii aanu si walba u baadhnay waanu ka soo waynay inay lug ku leedahay fal dambiyeedkaasi dilka ahaa oo beeshu baribay ka tahay” sidaa waxa yidhi Odey Xaaji Xasan Maxamed Yoonis oo ka mid ahaa Odayaasha dilkaasi iska fogeeyay.
Caaqil Cumar Gudbin oo ka mid ahaa Madax-dhaqameedka beesha reer Xareed ee shirkan jaraa’id ka hadlay ayaa isaguna yidhi ‘Beesha dilka Seemaal lagu tuhmay waanu baadhnay oo qoys-qoys ayaanu Kitaab gacanta ugu saarnay waanuna soo waynay, haddii aanu beeshaa nahay waxaanu umadda u sheegaynaa oo aanu xukuumadda u sheegaynaa inaanaan falkaa dilka ah qabin, diyaarna u nahay sharciga ILAAHAY ku kala baxa yidhi ee Qur’aanka oo ah Milad (Inaanu Kitaab ku dhaarano), waliba meel weyn oo warbaahin iyo cid walba joogto’
Chief Caaqil Cumar Gudbin waxa uu sheegay in deegaanka Seemaal iyo beesha reer Xareed noqdeen biriijka loo sii maro waxa uu ugu yeedhay Awdal-state “Mid kalena way jirtaa oo beesha reer Xareed waxay noqotay halka Awdal-state loo sii maro, dawladuna waxay xal mooday inay reer Xareed u gowracdo sidii ay halkaasi (Seemaal) u damin lahayd, falkaasi waa masabid lana saaray, haddii falkaasi dilka ah lanagu tuhmayeyna reer Xareed dhaar ayay diyaar u yahay waliba meel umaddu wada joogto.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray inay ka maqan saddex rag ah, kuwaas oo ay sheegeen inay sugayaan in la keeno “Saddex nin ayay sheegeen inay hayaan, saddexdaa iyagaanu ka rabnaa.”
Axmed Xuseen Kaahin oo ka mid ahaa waxgaradka halkaasi ka hadlay ayaa soo bandhigay khasaare uu sheegay in dadka deegaanka Dilla u geysteen dadka beesha reer Xareed markii saddexda qof lagu dilay Seemaal “khasaaraha na gaadhay waxa ka mid ah 512 qoys way qaxeen, 230 guri waa lanaga gubay, 111 beer hadhuudheed ayaa la gubay, 370 kuus oo caleen ahna waa la gubay, 440 kiish oo hadhuudh ah ayaa la qaatay ama la gubay, 36 beerood oo jaad ah ayaa la gubay, 10 bustaan ayaa la gubay, geella maqan waa 20 neef, adhiga maqan waa 445 neef, 6 meheradoodna waa lanaga gubay.”ayuu yidhi.
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment