Somaliland: SOMCABLE MAJOR OPTIC FIBER PROJECT KICKS OFF IN LAWYACADO Somaliland RepubliC
Xadhiga Isgaadhsiinta Cable-ka Oo Maraya Badhtamaha Lowyacado Iyo Tokhoshi Oo Maanta Ay Hakad Galiyeen Dad Shaqada Doon Ah Oo Weerar Khasaare Keenay Ku Qaaday Hawl-wadeenadiisa Oo Reer Jabuuti Ah.
Lowyacado (Ramaas) Jan 5,2012 – Xadhiga isgaadhsiinta casriga ah ee CABLE-ka ee shirkadda SOMCABLE dhulka hoostiisa soo marinayso oo maraya inta u dhaxaysa Magaalooyinka Lowyacado Iyo tokhoshi ee gobolka Salal ayaa maanta istaagay ka dib markii dad kor u dhaafaya 80 qof ay weerar ku qaadeen shaqaalaha qodaya dhulka xadhiga isgaadhsiinta la soo marinayo.
Dadkan weerarka hawsha hakiyey ku qaaday shaqaalaha dhulka hoostiisa soo marinaya xadhiga isgaadhsiinta Cable-ka oo dhammaantood ah dadka deegaankaasi ayaa la sheegay inay hore u codsadeen in lagu daro shaqadaasi si ay dhul qodida uga qayb-qaataan, balse markii loo sheegay inaan lagu darayn ay maanta galinkii hore rabshad balaadhan ay halkasi ka geysteen, iyagga oo muraayadaha ka jajabiyey gaadiid badan oo shirkada iyo shaqaaluhu lahaayeen oo joogay halka qodida dhulku marayso.
Raggan weerarka rabshada ah sameeyay oo la sheegay inay ka cadhoodeen shaqaale 40 qof gaadhaya oo guud ahaantood xadhiga Cable-ka ka soo raacay Djabuuti ayaa iyaga qaar ka mid ah soo gaadhay dhaawacyo kala duwan, ka dib markii shaqaalihii kale ay gacmaha isula tageen isla-markaana qaarkood lagu eryaday baabuurtii ay khasaaraha gaadhsiiyeen.
Raggan rabshadoodu hakisay hawsha shirkada SOMCABLE xadhiga Cable-ka dhulka hoostiisa ku soo marinayso ayaa markii dambe 28 ka mid ah waxa xidhay ciidamo boolis ah oo halkaasi gaadhay, iyadda oo xitaa kuwii dhaawacyadu gaadheen ay boolisku u dhaadhiciyeen saldhig ku yaala Magaaladda Saylac.
Wariyaha Ramaas ee gobolka Salal oo arintan la socday ayaa sheegay in toban maalmood ka hor dadkan rabshada sameeyay ay codsigooda u gudbiyeen madaxa hawsha qodida dhulka ee gobolka Salal ee shirkadda Somcable oo magaciisu yahay Siciid Cindi, balse uu ku qancin kari waayey in shirkadu shaqaale qaadatay, taasina ay sababtay rabshadan hakadka galisay hawshii qodida dhulka xadhiga la soo marinayo.
Qodida dhulka xadhiga la soo marinayo ayaa ee ka socota halka rabshadu ka dhacday ayaa waxa wada shaqaale afartan qof gaadhaya oo reer Djabuuti ah iyo Cagaf ay u adeegsanayaan qodida
No comments:
Post a Comment