Thursday, December 22, 2011

Shirkadda SomCable Oo Soo Bandhigaty Muuqaalo Muujinaya Halka Uu Marayo Mashruuca Isgaadhsiinta Ee Xadhiga Kaybalka Badda Ee Ay Doonayso Inay Somaliland Keento.

Hargeysa-(Qor)-Shirkadda Isgaadhsiinta SomCable oo qayb ka ah Companiga weyn ee IMCG oo uu Leeyahay ganacsadae Maxamed Aw Siciid ayaa kusoo bandhigtay Carwada ganacsiga Somaliland ee laga furay Hargeysa toddobaadkan hawsheeda dhinaca Isgaadhsiinta Kaybalka badda ee ay doonayso inay keento Somaliland.
Iyadoo SomCable carwadaa kusoo bandhigtay halka ay marayaan hawsha xadhiga mashruuca Kaybalka Badda ee ay doonayaan in Somaliland laga hirgeliyo muddooyinka soo socda, kaas oo hadda shaqadiisu ka socoto dhinaca Xeebta galbeedka Somaliland, isla markaana la doonayo sidii loo soo gaadhsiin lahaa magaalada Berbera. Eng. Yuusuf Xuseen Cabdalle oo ah wakiilka Shirikadda SomCable ee Somaliland ayaa u sheegay  inay mashruucaa soo jiidista Kaybalka xadhiga Isgaadhsiinta hadda kasoo bilaabeen dhinaca dalka Djibouti oo laga soo wado xadhiga Submarine Cable, kaas oo lasoo raacinayo xeebta badda Somaliland, isla markaana la gaadhsiinayo magaalada dekeda ah ee Berbera.
Qorilugud WebNews Chief Editorial

No comments:

Post a Comment

Horn-Watch welcomes your comment