Thursday, December 1, 2011

Maayar Ku Xigeenka Hargeysa Oo Dibada Soo Dhigay Fadeexado Aan Tiro Lahayn Oo Dul Hoganaya Golaha Deegaanka, Eng Jiciirna Ku Sifeeyay Shakhsi Saar Qabiil Hayo.

“Wadada Dawga-cadna maaha wax isaga (Maayar Jiciir) laga baryayo waa mid dawlad dhexe iyo ummada reer Somaliland oo dhami isugu tagtay oo waa waddo qaran”

Hargeysa (Waaheen) – Maayar ku xigeenka caasimada Somaliland ee Hargeysa Md Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde ayaa eedaymo aan tiro lahayn u jeediyay guddoomiyaha golaha deegaanka Eng Xuseen Maxamuud Jiciir oo uu ka dhaxeeyo khilaaf ba’ani, waxaanu sheegay in Maayarku ku hawlan yahay sidii uu xilka uga tuuri lahaa.
Maayar ku xigeenka Hargeysa waxa kale oo uu sheegay in Maayar Jiciir ka been sheegay waxqabad muuqda oo uu isagu ka geystay jidka Dawga-cad ee Waqooyiga Magaaladda Hargeysa, isla-markaana uu guddida jidkaasi isku xil-saartay uu u sheegay in Maayar ku xigeenku aanu waxba kala socon, taasi oo uu ku tilmaamay waxba kama jiraan, waxaanu ku eedeeyay inuu Maayar Jiciir jidkaasi hawlihii ka socday hakad galiyey.
Maxamed Cabdilaahi Uur-Cadde oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Hargeysa ayaa waxa kale oo uu Eng Xuseen Maxamuud Jiciir ku tilmaamay shakhsi saar qabiil hayo, isla-markaana hawlihii uu umadda u hayey kaga mashquulay sidii uu isaga xilka uga qaadi lahaa, isaga oo tilmaamay inuu Xildhibaanada golayaasha deegaanka siiyo beero.
Md Uur-Cadde oo ugu horeyn ka hadlaya halka sirtu ka qudhuntay ayaa yidhi “Waxa uu ka hadlay Maayar Jiciir Jidka Dawga-cad oo ah waddo isku xidha Hargeysa ilaa xeebteena waqooyi ilaa Djabuuti oo dadwaynaha reer Somaliland si tabaruc ah u wadaan oo ay uga shaqaynayaan, guddida jidkaasi dhisaysaana dawlada hoose waxay ka codsadeen inay qaybtii ay ku lahaayeen ka qaadato, arintaasi oo si adag oo aan ahayn si qof masuul ahi uu u hadlo uu uga hadlay (maayar Jiciir), markaa guddidu markii ay dawlada hoose yimaadeen uu Maayarku u sheegay inaanu Maayar ku xigeenku wax war ah u haynin Jidka Dawga-Cad oo uu isagu laba Cagaf u kireeyay hawshaana uu sidaa ku waday oo uu ku dhameeyay.”
Maayar ku xigeenka caasimadu waxa uu beeniyey warka Maayarku ka siiyay guddida jidka dawga cad “Markaa waxaanu leenahay warkaa Maayarka waxba kama jiraan waana war isaga u gaar ah, malaha waxa uu moodayaa inuu Kampalla joogo, guddidaasi way yimaadeen oo Cabdiqaadir Xaashi Cilmi (Mulkiilaha Huteelka Maansoor) anigaa u geeyay isaga, markaa ka dibna waxa uu yidhi Cagaf haloo kireeyo, cagaftii markii ay maalin joogtay lacagtii ayaa la siin waayay, markaa warkaa Jiciir waxba kama jiraan, waxaanad moodaa inuu hurdo ka soo baraarugay, waanuna ka xunahay arintaasi wax qabadkayagana may ahayn inuu u arko wax Ina Uurcadde qabtay ee waxay ahayd inuu u arko wax dawlada hoose qabatay, jidkaa Dawga Cadna habeenkii uu yimidba wuu ka soo saaray cagaftii aanu galinay, Wadada Dawga-cadna maaha wax isaga laga baryayo waa mid dawlad dhexe iyo ummada reer Somaliland oo dhami isugu tagtay oo waa waddo qaran, waxaanuna uga digaynaa inuu talaabadaasi dib ugu noqdo, sababta xilka loogu dhiibay ee cashuurta looga dhiibaa waa inuu wixii umaddu u baahan tahay uu qabto, wax uu isagu leeyahay maaha.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Markaa waxaan Maayarka ugu baaqayaa inuu hawsha sideedii u wado ilaa inta xuduudka Hargeysa iyo inta ka shishaysa oo Hargeysa looga fadhiyo maadaama oo ay caasimadii dalka tahay, waxaanuna leenahay ILAAHAY haku garansiiyo.”
Md Maxamed Cabdilaahi Uur-Cadde waxa uu sheegay inaanu jeclayn in arimahan warbaahinta ka sheego balse Maayar Jiciir sababteeda leeyahay “Maanu jeclayn inaanu hadalada noocan ah warbaahinta isku marino, laakiin isaga ayaa nagu kalifay, halkan waxaanu ugu nimid afar  cagaf, waxaanu xaraashay laba Cagaf, golaha deegaankuna hore ayuu uga hadlay, meel uu mariyey lama garanayo, waana ayaan daro golaha deegaanka oo 10 sanadood joogay ay kolba cafag kireystaan.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Aniguna ka mid baan ahay masuuliyiintaas oo uu Maayar Jiciir fadeexada iskaga reebayo, laakiin waxay ahayd inuu iska aamuso oo uu na wada qariyo.”ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyey “Markii uu la sii dhoofayey saxeexa waxa uu yidhi Maamulka waxaan ku sii wareejiyey Maayar ku xigeenka iyo xoghayaha, waxaanad moodaa inuu wixii aanu ka xishoonaynay uu ku xaragoonayo, manay ahayn in hogaankayagu ceebtayadii ku dhawaaqo waxay ahayd inaanu is-qarino”
Maayar ku xigeenka Caasimada Somaliland ee Hargeysa waxa uu sheegay inaanu isagu hayn xilka maamulka dhulka “Waxa kale oo uu ka hadlay maamulka dhulka, waxaan idiin sheegayaa haddii ay tahay maamulka dhulka, haddii ay tahay naqshad isaga gacantiisa ayay ku jirtaa oo xitaa naqshada xogheyntiisa ayaa u haysa badhna gurigiisa ayay yaalaan, ninka waxaas oo dhan sameeyay inuu haddana yidhaahdo cid-baan wax ka qaaday waa ku nasiiib daro, wax Maayar ku xigeenku xil ah oo maamulka dhulka ahi midna ma jirto, laakiin haddii uu doonayo inuu dadka amro oo isaga la dhageysto cidna uma hogaansamayso cidna dhageysan mayso inta aanu isagu sharciga baalmarayo, waxaanuna leenahay nidaam iyo sharci ayuu dalku ku socdaa haddii aad diidana ina Jiciir wax ka badan noqon maysid, haddii aad nidaamka raacdana waxaad noqonaysaa Maayarkii Hargeysa waanuna kugu ixtiraamaynaa.” Ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyey “Jiciir saar qabiil-baa haya, anigu waxaan ahaan jiray xisbiga UCID, waala is-qabqabsaday, waxaanu ka warqabnaa oo la hayaa, maalin kasta golaha deegaanka waxa uu u qaybiyaa beero, waxa uu la shiraa beeshiisa isaga oo ka hadlaya sidee ayaa ina Uur-cadde loo badelaa, waxaanu shaqo ka dhigtay Maayar ku xigeen uu marna leeyahay waxa aan u igmado ayuu qabtaa, marna uu leeyahay iga badala, markaa waxaan leeyahay adeer xisbiga UCID wax kaa khuseeyaa ma jiro, ninkii lahaana maad ahayn, haddii aanu garanayno meel lagaaga cuudiyana waanu kaa cuudin lahayn.”

No comments: