Saturday, November 5, 2011

Afhayeenka Isutaga Ururada Xuquuqda Aadamiga Somaliland Oo Dhaleecayn culus u soo jeediyay xukumada

Nov 02, 2011 at 05:42 PM

Dallada midowga Ururadda Xaquuqul Insaanka Somaliland (SOHIRA) ayaa Eedaymo kulul u jeediyey Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, kuna Canbaareyey falal ay ku kacday oo bulshada ka dhan ah. Dallada SOHIRA ayaa waxa ay Xukuumada ku dhaliishay qaabkii loola Macaamilay Dadkii ay Todobaadkii Horre ka Raraysay Xaafadda Shacabka taas oo uu ku geeryoodeen lada qof ayna ku dhaacan tahay Gabadh kale oo shicib ah. Sidaasina waxa ku dhaqaaqay Afhayeenka Ururadda Xaquuqul Insaanka Somaliland ee SOHIRA Md. Saleebaan Ismaaciil Bulaale (Xuquuq) oo Maanta shir jaraa’id ku Qabtay Hotel Imperial ee Magaaladda Hargeysa.

Saleebaan Ismaaciil Bulaale waxa uu sheegay tan iyo intii Xisbiga KULMIYE talladda dalka qabtay in ay dalka ka Jirtey dhibaatooyin kala duwani isaga oo arintaasi ka hadalaya waxa uu Yidhi “Tan iyo Maalintii uu Qabsaday Xisbiga KULMIYE Talladda Dalka Waxa dalka Ka Jirey dhibaatooyin kala duwan, waxa ay dalka ka geysteen Xadgudubyo xaquuqul Iinsaan, Waxana ay dilayaan kuwii loogu tala galay in ay ka ilaaliyaan cadawga, dadkan ay dileena ma ay sidan xabad ama rasaas, badan koodda waxay xabaddu kaga dhacday iyaga oo sii cararaya, oo dabadda ayay kaga dhacday, qaarna Qaadaadka ayay kaga dhacday. Saleebaan Xuquuq ayaa sheegay in haddii ay Madaxdu Dabadda u baxaan la Dacweyn karro isla markaana lagu eedayn karro Dambiyo dhinaca xuquuqda aadamaha ah oo uu sheegay in ay dalka ka galeen waxana uu Yidhi “Haddii ay maddaxaddu dabadda u baxaan way ashkatayn karaan dadkii ay ka dhinteen Dhalinyaradda la Xasuuqay, waana loo Xukumi karaa.


Afhayeen Saleebaan Ismail Bulaale wuxuu ku eedeyay madaxweyne Siilaanyo inuu kala furfuray midnimadii iyo wadajirkii umada Somaliland wuxuuna kooto geliyey ganacsigii dalka taas oo uu uga jeedo inuu as-khaas gaar ah u gacan geliyey ama ku naasnuujiyo.

Afhayeen Saleebaan xuquuq wuxuu ku eedeyay in madaxweyne Siilaanyo cadaadis saaray gobolada Saaxil iyo Awdal oo ay ka soo kala jeedaan madaxweyinihii iyo ku xigeenkiisi hore Rayaale iyo Axmed Yaasiin,wuxuu intaas raaciyey in madaxweyne Siilaanyo albaabada u xidhay jaamacadii Berbera qalabkeediina la gurtay.sidoo kale wuxuu intaas raaciyey in hogaanka sare ee xukumada siilaanyo aanay ku jirin masuuliyiinta gobolada bariga somaliland metelaa.

Mudane Saleebaan wuxuu sheegay in Siilaanyo iyo madax kale ee Somalilandba ay dacweyn karaan waalidkii iyo qaraabadii ay ka dhasheen dhalinyaradii dhawaan la xasuuqay,waana loo xukumi karaa waxaanan u soo jeedinayaa beesha caalamku inay la xisaabtanto Siilaanyo,ururada xuququl insaankana waxaan u soo jeedinayaa inay ku cadaadiyaan siilaanyo iyo xukumadiisaba inuu habdhaqankiisa wax ka bedelo intuu ingiriiska nasashada u joogo si bulshada caalamku wax uga bedesho dhaqankan xukumada Siilaanyo.

Saleebaan Xuquuq wuxuuu intaas ku daray in xukumadu qudha ka goysay dadkan rayidka ah ee muwaadiniinta ah iyaga oo aan hubaysnayn oon xabad sidanin, rasaasta boolisku ku ridayeena waxay haleeshay iyagoo ka sii yaacaya qaarkood qadaadka ayey kaga dhaceen rasaastii dishay qaarna dabada ayay ka haleeshay iyagoo ka sii yaacaya.

Afhayeenka Ururka Xuquuqal-insaanka ee SOHIRA Mr. Saleebaan Ismaaciil Bullaale (Xuquuq), oo hadalkiisa sii wata ayaa ku eedeeyey maamulka Gobolka Saaxil inay ku kaceen musuqmaasuq iyo dabiyo ka dhan ah xuquuqal-insaanka, isaga oo dhan kale xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku dhaleeceeyey in aanay waxba ka qaban xatooyada hantida ummadda iyo hawlgalada axmaqnimada ah ee maamullada dawladda hoose iyo gobolku kula kacaan dadka ku dhaqan caasimadda Hargeysa, isaga oo xusay in hawlgaladii ugu dambeeyey khasaare laxaad leh oo meel-ka-dhac ku ah xuquuqal-insaanka ay ku kaceen.

Mr. Saleebaan Xuquuq waxa uu sidaas ku sheegay shir jar’aaid oo uu ku qabtay hudheelka Imperial ee magaalada Hargeysa, isaga oo dhaliishiisa ugu badan saaray dawlada hoose.

“Dambiyada iyo musuqmaasuqa ay dawladda hoose kula kacday bulshada muddaday joogtay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo wax alle wax ay ka qabatay ma jirto, haddii ay Golaha Degaanku is yidhaahdaan musuqmaasuqa iyo tacadiyada ay gaysanayaan ka qabta, waxa ka qabata oo maayirka iyo ku-xigeenkiisa la soo safata xukuumadda oo u hiilisa.

Maanta meelgaadhi maraa oo bannaan ma jirto, waxaanan aaminsanahay in xabaalihii Gol-jannoee dadka ay ku laayeen ay iibsan doonaan oo ay qaybsan doonaan Jiciir iyo Uur-cadde, waana dad ku foogan markasta sidii ay dan guud u cuni lahaayeen,” ayuu yidhi Mr. Saleebaan Xuquuq.

Mr. Saleebaan Xuquuq, waxa uu intaas ku daray; “Waxa uu madaxweyne Siilaanyo badhasaabadii gobollada ka dhigay dad aynu odhan karno waa ciyaal suuq sida Ramaxaa oo miidhan.

Saaxil waxay lahayd jaamacad kaliya oo dad bulshada ka mid ah si dhib leh ku dhiseen, maanta kombuyuutaradeedi waxay yalaan maxkamadda gobolka iyo guriga maareeyaha dekeda oo carruurtiisa wax ku barata.

Ramaax weriyayaasha Gobolka Saaxil wuxuu ku yidhi ma diri kartaan war aydaan ila soo marin oo war dhexdhexaad ah lagama heli karo Berbera, waana meel-ka-dhac xuquuqdii bulshada lagula kacay.”

Waxa kale oo uu Saleebaan Xuquuq ku eedeeyey maamulka Gobolka Saaxil iyo maxkamadahoodaba inay ku heshiiyeen musuqmaasuq iyo boob ula kac ah oo ay ku qadeen jaamacaddii Berbera.

Wuxuu hadlakiisa ku soo jaray madaxweyne Siilaanyo dadka qaar wuu hagraday daka qaarna cagta hoosteedu geliyay qaarna dhabarkuu ku qaatay.

No comments:

Post a Comment

Horn-Watch welcomes your comment