Sida ay sheegayaan Wararka laga helayo kuwa sirdoonka dalka Faransiiska oo socdaal ku tagay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland,
Waxayna wararka qaar ay sheegayaan inay halkaasi u tageen ka dib markii ciidamada Somaliland ay qabteen nin looga shakiyey inuu ka mid ahaa kooxihii Hotel ku yaala magaalada Muqdisho ka afduubtay labo nin oo Faransiis ah oo tababarayaal ahaa.
Ciidamada sirdoonka Faransiiska ee tagay magaalada Hargeysa oo watay diyaarad qaas ah ayaa su’aalo weydiiyay ninkan laga shakiyey, kaas oo dhowr maalmood u xirnaa ciidamada maamulka Somaliland, ka hor intii aysan halkaasi tagin ciidamada Faransiiska.
Nin kan oo ay qabteen doraad ciidanka sirdoonka maamulka Somaliland ayaa la sheegay inuu la socday gaari ka mid ah kuwa xamuulka khudarada ah ka qaada Koonfurta Soomaaliya kaas oo la sheegay inuu si dhuumaaleysi ah ku galay galay Somaliland, isagoo iska dhigayey nin ganacsade ah oo uu u raranyahay gariga.
Ilaa hadda maamulka Somaliland kama hadlin qabashada ninkaasi, hase yeeshee waxaa laga war helay diyaarad ka mid ah nooca ciidamadda oo la sheegay inay wateen Sirdoonka Faransiiska oo madaarka Hargeysa soo fadhiisatay, ka dibna saraakiil la socotay ay su’aalo weydiiyeen ninkii looga shakisanaa inuu ku lug lahaa afduubka labadii nine e Faransiiska ahaa.
Sidoo kale lama oga in maamulka Somaliland in ninkaas ay u gacangeliyeen ciidamada sirdoonka ee dalka Faransiiska iyo inay weli iyagu gacanta ku hayaan, waxaase la ogyahay in maamulada ka jira Soomaaliya oo ay ku jirto dowladda KMG ay inta badan gacanta u geliyeen marka ay qabtaan qof Soomaali ah oo ay ka shakiyaan ciidamada ajnabiga ah ee ka socda sirdoonada dalalka shisheye.
No comments:
Post a Comment