Buuga “Tilmaamaha Saxafiyiinta Somaliland” Oo Maanta Lagu Daah-Furay Caasimadda Hargeysa Iyo Ururka Solja Oo Soo Jeediyay In Lagu Daro Qodobo Ka Hadlaya Xoriyatul-Qowlka Saxaafadda
Hargeysa(Ramaas) Oct 29,2011 – Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa maanta lagu daah-furay buug ka hadlaya tilmaamaha saxaafada Somaliland, kaas oo magaciisu yahay “BUUGA TILMAAMAHA SAXAAFADA SOMALILAND”.
Buugan ayaa waxa soo saarytay isla-markaana turjuntay hay’adda IPRT, waxaana qoray aqoonyahan ajaanib ah oo magaciisu yahay Doug Rushton, waxaana maalgalisay safaarada dalka Ingiriiska ee Magaalada Addis-Ababa.
Buugan tilmaamaha saxaafada Somaliland ayaa ka hadlaya isla-markaana qodob qodob u dhigaya qofka saxafiga ah, waxa shaqadiisu tahay, habka uu u shaqaynayo, waxa xaq loogu leeyhay, waxa uu saxafigu xaq ugu leeyahay umadda qaybaheeda kala duwan iyo waliba waxyaabo kale oo tiro badan, kuwaas oo khuseeya saxafiga Somaliland iyo hanaanka uu u hawl-galo.
Xaflada lagu daah-furay buugan cusub oo ka dhacday huteelka Guuleed ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa ka hadlay shakhsiyaad door ah, kuwaas oo ka hadlay muhiimada buugani ka hadlayo iyo sida loogu baahnaa buug hab cilmi ah u qoran oo ka hadla muhiimada saxaafada iyo doorka ay ku leedahay horumarka umaddooda.
Munaasibada waxa ka hadlay Dr Axmed Xuseen Ciise oo ah madaxa hay’adda IPRT oo iyaddu turjuntay buugan, waxaanu ka hadlay buugan iyo sababta loo daabacay la iskuguna hawlay turjumaadaasi.
Dr Axmed Xuseen Ciise, waxa uu sheegay in buugan ay ku jiraan waxyaabo muhiim ah oo saxaafada hagaya, kuwaas oo tilmaan iyo toosinba u ah saxaafada madaxa-banaan iyo ta dawlada ee qaranka Somaliland.
Md Axmed Xuseen Ciise, waxa uu saxaafada dalka u soo jeediyay inay ka faa’ideysato buugan qiimaha leh, kaas oo uu ku macneeyay inuu yahay kii ugu horeeyay ee si dhab ah u hagaya warbaahinta dalka.
Agaasimaha telefiishanka qaranka Somaliland (SLNTV) Mr Axmed Saleebaan Dhuxul oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in saxaafada dalku soo dhawaynayso buugan tilmaamaha ah, isaga oo si weyn uga hadlay doorkii Saxaafada madaxa-banaani uga qayb-qaadatay horumarka iyo dimuqraadiyada Somaliland, isaga oo xusay in doorkaasi uu yahay mid aan la ilaawi Karin oo qalbiga shacabka iyo saxaafadaba meel ugu qoran.
Madaxa-tababrada Wasarada Warfaafinta iyo wacyi-galinta Somaliland Faysal Maxamed Cabdi (Fadh-fadhle) oo sidoo kalena ah saxafi weyn oo kaalin muuqata kaga jira aqoonta saxaafada Soamliland oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in aqoonta saxaafadu aanay ahayn mid dhammaata, wuxuuna saxafiyiinta Somaliland u soo jeediyey in ay ka faa’iideystaan buugan, isaga oo xusay in markii uu arkay buugan tilmaamaha saxaafada Somaliland uu ku farxay, isla-markaana uu aad ula yaabau hanaanka farshaxan-nimada ah loo loo daabacay.
Xoghayaha Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax oo isna halkaa ka hadlay ayaa tilmaamay in buugan ay ku jiraan qodoba badan oo saxaafadu baahi u qabtay, waxaanu soo jeediyay in buugan lagu soo daro qodobo ka hadlaya xoriyatul-qawlka saxaafada inta laga soo dheego dastuurka qaranka iyo xeerka anshaxa ee saxaafadu leedahay, isaga oo hay’adda IPRT ku amaanay dedaalka ay samaysay.
Munaasibadan oo kulmisay inta badan xubnaha saxaafada Somaliland ayaa shakhsiyaadka kale ee ka hadlay waxa ka mid ah tifaftiraha telefiishanka madaxa-banaan ee HCTV Cabdilaahi (Wayeb), wakiilka laanta afka Soomaliga ee Idaacadda BBC-da ee Hargeysa Axmed Siciid Cigge iyo Wariye Cabdi-shakuur Xaaji Maxamuud (Heer-sare), dhammaantoodna waxay ka hadleen muhiimada buugan TILMAAMAHA SAXAAFADA SOMALILAND, waxayna amaaneen hay’adda IPRT iyo khabiirka ajaanibka ah ee qoray buugan oo magaciisu yahay Doug Rushton.
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment