Friday, July 29th, 2011
Wargeyska Waaheen ayaa qaybgalaya shir ay iskugu imanayaan saxaafadda Afrika inteeda ugu waaweyn oo lagu qaban doono Dalka Tunisia bisha November ee inagu soo aadan. Wargeyska oo casuumad rasmi ah ka helay machadka Konrad-Adenauer-Stiftung (KAS Media Africa) oo ah mid laga leeyahay Dalka Jarmalka kana shaqeeya horumarinta Saxaafadda Afrika iyo hay’adda African Media Initiative (AMI) oo si wada-jir ah ugu qabanay sannadkan Caasimadda Dalka Tunisia ee Tunis kulankan oo lagu magacaabo Shirka Hogaamiyaasha Saxaafadda Afrika (African Media Leaders Forum [AMLF]).
Shirkan ayaa ah mid ay ka soo qaybgalayaan Madax-badan oo dunidda iskaga timid oo ka mid yihiin Madaxda Bangiga Adduunka, Madax matalaysa Dalalka qaadhaan-bixiyayaasha, shirkaddaha dhinaca tiknoolajiga, khubaro saxaafadda ku xeel-dheer, saxafiyiin iyo mulkiilayaasha saxaafadda Afrika kuwooda ugu waaweyn.
Ajandaha shirkan oo sannadle ah ayaa lagaga arrinsan doonaa sidii maalgalin loogu heli saxaafadda Afrika, loogana taageeri lahaa dhinaca tiknoolajiyadda iyo isku xidhka dhexooda si ay danahooda uga wada-tashadaan, iyadoo la filayo in halkaas qaadhaan-bixiyayaashu kaga yaboohi doonaan lacago badan oo lagu caawin doono saxaafadda Afrika si kor loogu qaado adeegyadda ay bulshadda u hayaan.
Madaxa hay’adda KAS Media Africa, Mr. Markus Brauckmann ayaa yidhi: “Waa mid ka mid ah wakhtiyadda ugu xiisaha badan caalamka saxaafadda, waana wakhtiga ugu wanaagsan ee aynu awoodeena iskugu xidhi karno” waxaanu intaas ku daray: “Waxaanu dareemaynaa in dadka aanu shirkan u qabanayno oo ah hoggaamiyaasha ugu sareeya saxaafada Afrika ay wax badan ka faa’iidaysan doonaan oo aanay ka faa’idin shirarkii hore.” Dhinaca kale, Guddoomiyaha Hay’adda AMI, Mr. Amadou Mahtar Ba, ayaa yidhi, “Waxaanu si gaar ah ugu faraxsanahay in doorkan KAS Media Africa ay khibaradooda sannadkan markii ugu horrasay ku soo biirinayaa Kulanka Hogaamiyayaasha Saxaafadda Afrika. Shirkana wuxuu noqday run ahaantii suuqa ugu weyn ee saxaafadda Afrika ay ka helaan fursado xidhiidh oo dhex mara saxaafadda Afrika ugu waaweyn dhexdeeda iyo hawl-wadeenadeeda ka hawlgala”.
Shirkan ayaa markii ugu horraysay lagu qabtay Magaaladda Dakar, caasimadda Senegal sannadkii 2008 dii, iyadoo 2009 kiina lagu qabta Lagos, Nigeria halka sannadkii 2010 lagu qabtay Dalka Yaoundé, Cameroon.
Waa markii ugu horraysay ee saxaafadda Somaliland ay ka qaybagasho shir caalamiya oo baaxaddaas leeg oo saxaafadda Afrika iyo qaadhaan-bixiyayaashu iskugu imanayaan. Ta intii ka danbaysay markii la guddoonsiiyey Tifaftiraha Wargeyska Waaheen, Mr. Maxamuud Cabdi Jaamac “Xuuto” abaalmarinta Saxaafadda Afrika ee Xorta ah, oo ah tan ugu sumcadda badan Qaaradda Afrika. Waxa isa soo taraiyey xidhiidhka caalamiga ah ee hay’adaha iyo ururadda caalamiga ah ee saxaafadda ku shuqulka lahi ay la samaynayeen, taasoo ka dhigtay inuu noqdo mid ka mid ah Wargeysyadda ugu caansan Qaaradda Afrika sannadka 2011 ka. Waxaana la filayaa in sannadkan 2012 uu shirar hor leh oo caalamiya oo ka dhacaya daafaha dunidda uu ka qaybgalaan madaxda iyo saxafiyiinta ka hawlgasha Wargeysku oo guud ahaan kor u qaadi doona magaca Dalka, gaar ahaan fursado tabaro iyo maal-galinba u soo kordhin doona saxaafadda Somaliland.
No comments:
Post a Comment