Monday, September 16, 2013

Cagafcagafyo Jabuuti ku dumiyay dhismayaal sharci darro ah


Cagafcagaf duminaysa dhismayaal sharci darro ah oo magaalada Jabuuti ku yaala. [Xarbi Cabdullahi Cumar/Sabahi]
Maamulka magaalada Jabuuti ayaa illaa iyo badhtamihii August duminayay boqolaal dukaan, cooshado iyo meelaha yar yar ee lagu cunteeyo kuwaas oo laga dhisay meelaha caamka ah iyada oo aan wax sharci ah loo haysanin.

Iyada oo ay garab socdaan booliis badan, ayaa cagafcagafyadu ay xaafadaha waawayn ee caasimada Jabuuti ka burburinayeen dhismayaasha ganacsiga ee sharci darrada ah taas oo hoos imaanaysa ololaha loogu magac daray "Jabuuti waa Magaalo Nadiif ah". Ololaha ayaa sidoo kale wax ka qabanaya qashin ka qaadidda waddooyinka magaalada.

Ololahan ayaa bilawday August 17-deedii, markii ugu horraysayna wuxuu beegsaday xaafadaha Ward 1 and Ward 2, iyo fagaaraha wayn ee magaalada ee Maxamuud Xarbi.

Hawlgallada nadiifinta Ward 3 ayaa bilawday Arbacadii (September 11-keedii) waxaana la rajaynayaa in uu gaadho afarta xaafadood ee dhimman usbuucyada soo socda.

Gawaadhida khidmada waddooyinka ayaa uruurinaya baabuurta la nacay iyo qashinka ku firirsan waddooyinka xaafadahaas, oo ah kuwa ugu qadiimsan caasimadda.

Unug booliis ayaa 24-ka saacadood la dhigay xaafadaha shaqadu ka socoto si aysan milkiilayaasha ganacsiga aan sharciga ahayn ugu soo noqonin aaggaas.

Dhibaato caam ah

Ganacsiga sharci darrada ah ayaa ahaa mid dhibaato caam ah keenay kaas oo sababay xaalado ammaan darro, Saciid Ayaanle, oo ah madaxwaynaha xaafadda Boulaos ayaa sidaas yidhi.

"Sharciyada hadda jira oon la waafaqeyn iyo dhaqanka aan fiicnayn ee xubnaha bulshada qaarkood ay samaynayaan, kuwaas oo ficilkoodu uu waxyeelo soo gaadhsiiyay xaaladda nolosha iyo deegaanka ayaa nagu khasbay in aan wax ka qabano," ayuu u sheegay Sabahi. "Waxaa waajib nagu ah in aan wax ka qabano jahawareerka iyo dhismayaasha sharci darrada ah ee degay waddooyinka caamka ah iyaga oo aan haysanin oggolaansho."

Dhismayaalka sharci darrada ah ayaa dhib ku noqday nolosha shacabka, Maxamuud Saalax oo ah shaqaale magaalada Jabuuti ayaa sidaas yidhi.

Shacabka magalaada Jabuuti deggan oo waddo ganacsi isugu soo ururay ka dib markii shaqaalaha dumintu ay dhulka la simeen dukaano iyo cooshado la dhisay iyaga oo aan oggolaansho loo haysanin. [Xarbi Cabdullahi Cumar/Sabahi]
"Shacabka deggan dhismayaasha Aagga Xarbi ayaa dhibaato ku qabay in ay ka tagaan xaafadahooda sababta oo ah kabatole, cooshadle ama dukaan raadiyaha lagu sameeyo ayaa waddadoodii xidhayay taasina lama aqbali karo," ayuu yidhi.

September 6-deedii, ayaa ciidanku wuxuu geeyay in ka badan 100 askari Waddada Sheekh Houmed, oo loo yaqaano Waddada 13-aad si ay u nadiifiyaan, taas oo ka mid ah waddooyinka ugu muhiimsan magaalada.

Muumin Axmed oo magalaada Jabuuti u shaqeeya ayaa ciidanka kaalmadooda uga mahad naqay, kuna nuuxnuuxsaday sida ay uga go'an tahay ixtiraamka nadaafadda waddada iyo inaan la xidhin waddada. Wuxuu sheegay in tallaabooyin adag laga qaadi doono dadka waddooyinka sharci darrada ku dhista ama qashinka ku daadiya.

Axmed ayaa sidoo kale dadka xusuusiyay in ay hadda sharci darro tahay in baabuurta la dhigto Waddada Sheekh Houmed, taas oo laga dhigayo aag cagaaran.

Duqa magaalada Jabuuti Cabulaahi Kayad ayaa aqoonsadey in dadka qaarkiis ay waxyeelo ka soo gaadhi karto burburinta, laakiinse wuxuu ka codsaday dukaanlayda in ay sharciga u hoggaansamaan.
"Waan ognahay in ay jiraan boqolaal qoys oo noloshooda ka soo saarta dhismayaashaas sharci darrada ah in ay saamayn soo gaadhtay," ayuu yidhi. "Laakiinse waxaan tallaabada u qaadnay in aan wax ka qabano sharci darrada, dadaal kastana waan ku bixinaynaa in aan arrintaas sii wadno, waayo meel kasta oo magaalada ah ayey khuseeysaa. Wax walba waan samayneynaa oo aan uga leexanayno isku dhac meelaha loo arko in ay xasaasi yihiin."

Dukaanlayda oon haysanin meel ay aadaan

Dukaanlayda la bara kiciyay, ayaa si kastaba ha ahaatee, aan ku faraxsanayn go'aanka.

Xaawo Aadan, oo ah haweenay ninkeedii dhintay afar caruur ahna haysata, ayaa dukaan cabitaanka iyo sigaarka lagu iibiyo ku lahayd Aagga Xarbi, dukaankaas oo iyada oo arkaysa la gubay.
"Maanta caruurtayda ma quudin karo wax aan sameeyana ma garanayo," ayay u sheegtay Sabahi. "Halkan waxaan joogay ilaa 1980-maadkii, sida dadka kaleba. Maxay u go'aansadeen in ay wax walba maanta dumiyaan?"

Meel cusub in la kiraysto aad ayey qaali u tahay, ayay tidhi. "Maanta, ijaarka bishii oo meel yar oo magaalada ku dhex taala ayaa u dhiganta waxa afar bilood i soo gala, laakiinse wax kale oo aan samayn karo ma garanayo."

Cabdiraxmaan Maxamuud, oo mukhaayad yar ku leh Ward 1, ayaa ka cawday tallaabooyinka ay dawladdu u qaadday ka qaadidda dhulka.

"Sida caadiga ka ah waddamada kale, dawladdu waxay kaalmaysaa dadka leh ganacsiyada aan rasmiga ahayn, laakiinse halkan waa caksi. Way na beegsadaan waxayna burburiyaan ganacsiyadeena," ayuu u sheegay Sabahi.

Laakiin, Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Siraaj Cumar Cabdulqadir ayaa dhinac iska dhigay eedaymahaas, isaga oo sheegay in milkiilayaasha ganacsiga si kaafi ah looga digay hawlgalka nadaafadda. Dawladda ayaa faafisay qorshaheeda August 3-deedii kana sii daysay farriimo isdaba jooga warbaahinta raadiyaha iyo telefishinka ay dawladdu leedahay labadii usbuuc ee nadaafaddan ka horraysay, ayuu yidhi.

Madaxda ayaa u sheegay Sabahi in ay wadaan qorsheyaal ay aag magaalada ah ugu qoondaynayaan wadhatada magaaladu in ay degaan, laakiinse go'aankii kama dambayska ahaa wali lama gaadhin.

No comments:

Post a Comment

Horn-Watch welcomes your comment