Search This Blog

Monday, January 28, 2013

HORN-WATCH: MAANSO BAROORDIIQ AH: MARXUUN JAMA MOHAMOUD HAYD -...

Abwaan ka wayn Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan-Ganey) ayaa Maanso Baroor-diiq ah u mariyay geeridii Naxdinta lahayd ee Marxuun Jaamac Maxamuud Xayd ku timid, Abwaanku Maansada wuxuu ugu magac daray CAWIL, waxanu ku hal qabsanayaa Ganacsadaha Caanka ah Axmed Aw Cismaan (Ina Geele Arab) oo Saaxiib dhaw la ahaa Marxuunka. Maansada oo dhamaystiran hoos ka akhri:


Cabdiyoow warkaagii
Cawayskii i-siisaa
Caqligayga rogayoo,
habeenkoo caraaboo
Intii badani carartoo,
cabaar yari ka hadhaybaan,
caskii waaga ka hortow
Bahalaha ciyaayiyo
Ciidan gaadha mooyee
Caam-ahaan dadku hurdaan
Cidiyaha fadhmooyee
Cashadii la dhigay-iyo
Anoon caanihii dayn
Caloolyow la kacayoo
Waanse camal wareeraye
Cartankiyo galgalashada
Gogashaan camaaluqay
Ku car-gaagtankeedii
Naxdin Caynka furatiyo
Warwarka I cileeyaa
Hilbahayga cunayoo
Cimrigayga qaar baa
Ka baxaayay cagahoo
Naftuun baan cadibayee
Caday Gees kamaan jabin
Cishaday ka idishee
Calafkeedu  joogsado
cid kastoo aad jeceshahay
wadka lagama celin karo
Axmed ina-cismaanow
Cududaan ku dhaatiyo
Intiina caawa nooleey
Cimrigiin ha raagee
Siqigii caraabee
Jimcii ciida hoos maray
Nin cibaado badanoo
Rabi caabuduu ahaa
Nin cadaalad taliyoo
Caadaystaybuu ahaa
Carab dalab le’e iyo been
Nin ka caagan-buu ahaa
Runta wiil cadeeyo
Ka cabsoonin-buu ahaa
Nimaan curuf xumaynoo
Camal suuban-buu ahaa
Marka ay nin celis tahay
Nin cad-goosta-buu ahaa
Cilmigii dhaqaalaha
Weelka u culaayee
Curinaayey-buu ahaa
Xilkuu qaranku u calmaday
Hanad caabiyuu ahaa
Cuqaasha iyo waxgaradkana
Nin ciseeya-buu ahaa
Caydhiyo agoontiyo
Maatida cadilan-iyo
Caamiyaha indhahaliyo
Inta cudur la jiiftiyo
Intii caafimaad qaba
Culima iyo caamaba’a
Sikhi caawiyuu ahaa
Ceelkii danyarihiyo
Mahwi laga cabuu ahaa
Intaas oo caqiibo ah
Jaamacii ku caan baxay
Casiiskii lahaa qaad
Qadarkaana caaynka ah
Ma cidbaa wax lalahayd
Calwisoow waxba ha tarin
Ma calaacalbaa jira
Axmed ina-cismaanow
Gurigii cusbaayee
Camirnaa dhamaane
Bada cidhifka kaga yiil
Caawana madawga ah
Dadkaa geeri culusiyo
Masiibadu ku ciirtee
Cunadii ka soomee
Kolaytahay candhuuftii
Cunahooda wax u marin
Intay cadhadu haysiyo
Cadaawaha farxaayee
Ku cawaysanaayee
Caleemaha lulaayee
Ciyaaraana way dhiman
Waase xaajoo curatoo
Dadka caado u ahayn
Waase camalka shaydaan
Cajabtaana la hayaa
Mid cishooyin joogtiyo
Ceeyoon mid hooyataba
Cabdo-waliba way socon
Marbaa cawda loo goyn
Kaga ciilaw-taa
Axmed ina-cismaanow
Markay taladu calowdee
Gasho meel cidhiidhiya
Cida aan ku baqaniyo
Ciirsigaynu leenahay
Cadiimkeena weeyee
Cuskadoo ilaahay
Casiis aan u barinee
Inta aan calmanayaay
Calacalaha ila dhiga
Cishadii arbacadee
Maskidkii cirooliyo
Caruurtiyo haweenkiyo
Casriga iyo barbaarta ah
Cilmi daalibka ahiyo
Culimadu ka buuxdee
Casarkii istaagow
Calaacalaha ila dhiga
Inta gabayga curisiyo
Bahda caafimaadkiyo
Inta Wali carceertee
Karaamada ku caaniyo
Dhamaan caabudiintaay
Malaa’igta culusee
Danbi lagu cadaabiyo
Aan ceeb samayneey
Calaacalaha ila dhiga
Codka waxa ugu baridaan
Sikhigii caraabee
Jimcii ciida hoos maray
Allow iil cidhiidh-yiyo
Ciqaab iyo dhib mudatiyo
Cadaabaha ka nabad gali
Allow ciida hoosana
Waasici calooshoo
Coloodhada u weynee
Allow nuur cadaaniyo
Cadar iyo udgooniyo
Ku casuun fardawsoo
Caf adoonkii naga tagay
Codka waxa ugu baridaan
Shukri iyo caruurtiyo
Intii Ay calaashiyo
La wadaagtay caanee
Maxamuud cadkiisiyo
Curuqdiisa laga jaray
Cayliyada hoosiyo
Cashiiryo tol iyo xiddid
Caam ahaan dadweynaha
Gaar ahaan colkeeniyo
Cutubkuu ka mid ahaa
Cawil khayrle Eebow
Noogu celi halkiisii
Codka waxa ugu baridaan
Cindalaahi kaligaa
Cabashada ku maqanee
Carshigaaga taaliyo
Codsiga iyo waraaqaha
Boostaada ka camiran
Cadiimow hanagu qadin
Baryadana ha soo celin
Qalin caaro khayr badan
Ku saxeex casiisow

Tacsi Tiiraanyo leh oo ku Socota qoyska Marxuum Jaamac Xayd

Anigoo ah Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) iyo dhammaan dadka hoos ku qoran oo ka mid ah bulshada Somaliland ee ku nool dalkan Ingiriiska waxay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Qoysaska: Reer Maxamuud Xayd, Reer Cumar Ducaale iyo Reer Cumar Geelle oo aanu ka tacsiyadaynayno Geeridii Naxdinta Lahayd ee ku timid Guddoomiyihii Baanka Jam. Djibouti Marxuun Jaamac Maxamuud Xayd oo 11.01.2013 ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Waxaannu marxuumka Eebbe uga baryeynaa inuu u Dembi dhaafo, Qabriga Naxariis iyo Neecow Qabowba ugu geeyo, Jannadii Fardawsana ka waraabiyo. Xaaskiisa, Carruurtiisa, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Ummadda Reer Djibouti ee uu Marxuumku ka baxayna waxaanu leenahay RABBI samir iyo iimaan ha idinka siiyo. (AAMIIN)

1. Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr)
2. Idiris Muxumed Ahmed (Camaj)
3. Maxamed Muxumed Ahmed (Camaj)
4. Abdi Ibraahim Wayrax
5. Saciid Mohamed Ibrahim “Siciid Gadhle”
6. Maxamuud Faarax Maxamed
7. Siciid Xirsi Qalinle
8. Eng. Ismaciil Xirsi Qalinle
9. Cabdi Dhoore
10. C/risaaq Adan Cumar (Gufi)
11. Cumar Qiyaas Ahmed
12. Ali Mawliid Aw Ali
13. Maxamuud Mawliid Aw Ali
14. Cumar Doolli
15. Cali Muuse Jaamac
16. Ahmed Sheekh Muxumed Warsame
17. Ismaciil Hassan Warsame
18. Mohamed Hassan Warsame
19. Ahmed Mohamuud Bayle
20. Cabdulqadir Aw Bile
21. Cabdi Hassan
22. Xaaji Cumar Sheekh
23. Mohamed Aw Dahir
24. CabdinasirAw Dahir
25. Ahemd Sacad
26. Shiine Cali Muuse
27. Maxamed Cabdi Adan (Laba Dhako)
28. Keynuun Cawaale Odowaa
29. Maxamed Nuux
30. Obsiiye Hussein Obsiiye
31. Mohamed Xaaji Cilmi
32. Mohamed Xaaji Abdi Obsiiye
33. Abiib Cali Mohamed
34. Ahmed Qodax
35. Ahmed Ali
36. Ahmed Abdi Amiin

New Writer at AfriCom

by gallaghorical

YWAM AfriCom is pleased to welcome Sarah Gallagher to join us to experience work with the communications team for YWAM Africa while at the same time do a DTS with YWAM Muizenberg…



Sarah Gallaghe


Three weeks ago, I was sitting at my desk at home in the states, emailing ministry leaders and sipping coffee to ward off the chill as winter seeped into my apartment. I was juggling social media accounts, phone calls, and grant-application tips all while cramming my summer clothes into a couple of baggy suitcases.

Today, I am sitting at a desk in the AfriCom office in Cape Town, South Africa, where a cool breeze is blowing through the open window to tame the summer heat. Tea is now my drink of choice, and rather than facilitating resources for those in the trenches of long-term missions, I am ankle-deep in missions work myself. God put South Africa on my heart back in 2007 and 6 years later, He has graciously brought me to this beautiful country. I first learned about AfriCom in June of 2012 when I was looking for ministry opportunities in South Africa involving communications. I studied English, journalism, and global studies during my time at University, and have been eager to be involved in long-term missions work since graduating last spring.

When I heard about AfriCom, I was eager to learn everything I could about the work they are doing to invest in missionaries committed to and serving at YWAM bases in Africa. I spent the past year-and-a-half as a team manager for a grant-giving ministry and had the privilege of interacting with ministry leaders serving in a variety of communities all over the world. During this time, God reaffirmed my strong desire to be involved in long-term missions. I was familiar with YWAM and was very compelled by South Africa, so once I realized that AfriCom is located in Cape Town, I was very eager to find out more.

By the grace of God, I am able to be a DTS student while simultaneously completing an internship with AfriCom to see if this might be a long-term placement. I am enjoying hearing from other missionaries who have been serving in Africa or in other parts of the world for an extended period of time. The YWAM community is so vibrant and diverse here in Muizenberg and I am learning a lot from the experiences and stories of others. I am looking forward to diving into more projects with AfriCom over the next few months and am excited about all of the ministry opportunities that lie ahead in South Africa.

It is evident that God is at work in many areas throughout Cape Town. I am looking forward to connecting with locals and meeting needs in South Africa as well as discovering needs at other YWAM bases throughout Africa and investing in the lives of those doing ministry at other bases. It is a privilege and blessing to be partnering with so many inspiring people who have also responded to God’s call to this area. May we grow in the grace and knowledge of Christ as we seek to know God and make Him known!

Weftigii Xukuumadda ee Saylac oo Maanta ku Dhawaaqaya Go’aan lagu soo Afjarayo Khilaafka Maayarnimo ee ilaa Jabuuti la galay

Maayirkii dhawaan Golaha deegaanka Saylac Doortay oo laga wareejiyay shaambadihii xafiiska iyo Beesha Ciise oo Maayirka la siin doono


Wasiiradii Xukuumadda Somaliland u dirtay Xalinta Muranka Maayirka iyo Maayir ku-xigeenka Degmada Saylac ee xalinta arintaaina ilaa Jabuuti u tegay oo shalay dib ugu soo laabtay degmada Saylac, ayaa la filayaa inay maanta soo saaraan go’aan kama dambeys ah oo arintaasi lagu soo afjarayo, kaasoo sida la sheegay ay kaga dhawaaqi doonaan Magaalada Saylac.

Go’aankan oo aan war sugan laga hayn halka uu dhigi doono Khilaafka lagu raftay ee halkaasi ka oognaa tan iyo markii lagu dhawaaqay Natiijadii Doorashada, ayaa ka dambeeyay wada xaajood Magaalada Jbauuti ku dhex maray Wasiiradda Somaliland iyo Ergooyin Beesha Ciise ka socda oo isaga kala yimi Wadamada Itoobiya, Somaliland iyo dalka Jabuuti, oo socday mudo afar maalmood ah.

Ma jiro War rasmiya oo ka soo baxay natiijada kulamadi Jabuuti ka dhacay, hase ahaatee warar xogogaal ah oo Wargeyska Waaheen ka helay ayaa sheegaya inay labada dhinac ee Xukuumadda iyo Ergada Beesha Ciise isfaham kala soo laabteen dalka Jabuuti, kaasoo ah ka maanta lagu dhawaaqi doono.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in la filayo in Maayirka Degmada SAYLAC oo ahaa xudunta Khilaafka  la siin doono Beesha Ciise ee degta Gobolka Selel, isla markaana beesha kale ee ay isku haystaan saami ku filan oo ay ku qancaan laga siin doono Maamulka degmada iyo ka Gobolka.

Afar maalmood ka hor intii aanay Weftiga Xukuumadda Somaliland iyo Ergada Ciise ee saylac ka tagtay oo ka kooban Siyaasiyiin iyo cuqaal ka amba bixin Magaalada SAYLAC, waxa  guud ahaan qalabkii Xafiiska Maayirka Saylac lagu wareejiyay Xoghayaha Fulinta dawlada ee degmadaasi, iyadoo agabkaasi laga wareejiyay Maayirka cusub ee dhawaan la doortay.

Arintan ayaa ka mid ah waxyaabaha sii xoojinaya dareenka ah in Maayirka Saylac sababta kasta haku timaadee la siin doono Beesha Ciise, iyadoo ay jiraan arimo kale oo iyaguna sii kordhinaya tuhunka la xidhiidha arintaasi.

Cuqaasha iyo Siyaasiyiinta Beesha Ciise ee Saylac intii lagu gudo jiray kulamadii dalka Jabuuti ka dhacay maalmihii la soo dhaafay waxay balan qaadeen inay dhawrayaan sharciyada iyo qawaaniinta Somaliland iyo amaanka Gobolka dhankooda, balse waxay taasi bar-bar dhigayaan sida la soo wariyay inaanay marna ka hadhayn rabitaankooda muranku ku jiray.

Si kastaba ha u dhacdee waxa maanta la wada sugayaa go’aanka Xukuumada Somaliand iyo Ergooyinka Jabuuti kula kulmay ay ka soo saari doonaan Khilaafkii mudada aloosnaa ee ka taagnaa Maamulka degmada saylac, kaasoo hada ka hor waxyaabaha ay xukuuamdda Somaliland ugu dhiiran wayday ay ka mid ahayd dhinaca Beesha Awdal oo meel adag ka taagan Maayirnimada Saylac.

Short URL: http://waaheen.com/?p=58263

Britain Warns Its Citizens in Somaliland to Leave

The notice came only days after Britain and other European nations issued urgent warnings to their citizens to leave the Libyan city of Benghazi, 2,500 miles northwest of Somaliland, because of what Britain described as “a specific, imminent threat to Westerners.” 

A person who has been briefed on the new British warning said that a terrorist organization, most likely the Shabab, had threatened to kidnap foreigners in Hargeisa, the capital of Somaliland. As the Shabab fighters have been routed from parts of Somalia by African Union forces, many have moved north, to Somaliland and the semiautonomous Puntland region of northeastern Somalia, Western intelligence officials have said.

The Foreign Office in London linked its Benghazi warning on Thursday to the French military intervention against Islamic militant rebels in Mali. Its advisory then said there was a risk of retaliatory attacks against Western interests in the region in the wake of the French campaign in Mali and the attack on a remote gas plant in Algeria, described by some of those claiming to be its masterminds as a response to events in Mali.

There was no repeat of the link to the Mali conflict in the new British warning on Somaliland, only a brusque note appended on the Foreign Office Web site saying, “We cannot comment further on the nature of the threats at this time.”

But Africa experts in London said there was little doubt that a common thread in the two warnings was the high-profile role the British government had taken in its response to the surging tempo of Islamic militancy in North Africa.

Britain was the first European country to pledge support for the French effort in Mali, deploying two C-17 military transport aircraft to carry French troops, vehicles and equipment to Mali. On Friday, while renewing its vow not to join in ground combat in Mali, Britain said it had deployed a military spy plane to the region to bolster French intelligence gathering.

But it has been Prime Minister David Cameron’s strident warnings about the events in Mali and Algeria and their significance as milestones in the metastasizing threat of Islamic militancy that has attracted the greatest attention to Britain.
 
Describing it as a “global threat,” he has said that it will require a “global response” that will last “years, even decades, rather than months,” and he has warned other countries, including the United States, not to underestimate the gravity of the challenge.

At the height of the gas plant siege, in which six Britons are believed to have died, Mr. Cameron said that Al Qaeda’s ambition was to establish “Islamic rule” across the Sahel, the vast region stretching more than 3,000 miles from the Atlantic in the west to the Horn of Africa in the east, and that the militants’ ambitions were a threat not only to the nations involved, but “to us,” meaning Britain, the rest of Europe and the United States.
It was in that context that the Benghazi warning, and now the Somaliland one, were issued, Africa experts in London said.

Somaliland has been in international limbo since a secessionist rebellion seeking independence from Somalia erupted 20 years ago, and its history throughout that period has been marked by assassinations, abductions and bombings.

Jeffrey Gettleman contributed reporting from Nairobi, Kenya.

UK: Specific Threat to Westerners in Somaliland


LONDON January 27, 2013 (AP)  British citizens should immediately leave the Somaliland region of Somalia because of a specific threat to Westerners, British diplomats said Sunday.

In a statement emailed to reporters, Britain’s Foreign Office did not go into any further detail about the nature of the threat but noted that “kidnapping for financial or political gain, motivated by criminality or terrorism” is an issue throughout the country.

The new warning was issued only days after Britain, Germany, the Netherlands and Canada urged their citizens in the Libyan city of Benghazi to evacuate in response to what was then described as an imminent threat to Westerners.

European officials told The Associated Press at the time that schools were thought to be among the potential targets.

The exact reason for the warnings remains unclear, but they come at a time of heightened tension across north Africa.

French and African land forces are battling al-Qaida-linked Islamists in northern Mali, while a renewed bout of unrest has gripped Egypt following the two year anniversary of the revolution that toppled strongman Hosni Mubarak.

A Jan. 16 attack on the Ain Amenas natural gas plant in the Sahara ignited a four-day siege by Algerian forces in which at least 37 hostages and 29 militants died. An al-Qaida-affiliated group has claimed responsibility for the attack.

Libya also remains unstable following the overthrow of Libyan dictator Moammar Gadhafi. It was unclear if any of those factors played a role in Britain’s latest warning.

Somaliland, a former British colony, declared independence in 1991 when Somalia’s central government in Mogadishu collapsed. The international community does not recognize Somaliland as a separate. 

ABC News

Dawladda Ingiriiska Oo Muwaadiniinteeda Somaliland Ku Sugan u Gacan Haadisay, Ugana Digtay Afduub Iyo Falal Argagixisonimo


London – Dawladda Boqortooyada Ingiriiska ayaa digniin ay shalay soo saartay muwaadiniinteeda Somaliland ku sugan ugu baaqady inay sida ugu dhakhaha badan uga baxaan Somaliland.

Fariintan oo ka soo baxday Wasaarada arimaha dibada Ingiriiska, ayaa lagu sheegay inay jirto cabsi laga qabbo in la bartlmaameedsado muwaadiniinta reer galbeedka, gaar ahaan kuwo Ingiriiska ee Somaliland ku sugan.

Qoraal warbaahinta caalamiga ah lagu baahiyey in sababta dadka ingiriiska ah loogaga digayo joogitaanka Somaliland inay tahay in looga baqayo afduub iyo dambiyo argagixisonimo oo loo gaysto.

Qoraalkan oo ka soo baxay Wasaarada arimaha dibada Ingiriiska ayaa lagu yidhi  sidan  “Waxaanu ugu baaqaynaa Muwaadiniinta Ingiriiska ee Somaliland ku sugan inay sida ugu dhakhsaha badan uga baxaan Somaliland cabsi laga qabo in lagu bartilmaameedsado reer galbeedka darteed, gaar ahaan Muwaadiniinta Ingiirska”

Inkasta oo aan qoraalkaasi lagu faahfaahin ujeedada muwaadiniinta digniintan iyo yeedhmada la isugu raaciyey, haddana qoraalka ayaa lagu sheegay in laga cabsi qabbo afduub iyo dambiyo argagixisonimo “Afduub iyo dambiyo argagixisonimo”ayay tidhi Wasaarada arimaha dibada Ingiriiisku oo intaasi ku dartay “Waxaanu ku wargalinaynaa khatar soo ku soo fool leh reer galbeedka, waxaanu ugu baaqayna muwaadin kasta oo ay gaadhay digniintani inay si dhakhso uga soo laabtaan Somaliland”

Wasaarada arimaha dibada Ingiriiska ayaa digniintan ay soo saartay waxay ku soo beegmaysaa xili todobaadyo ka hor ciidamada Kamaadowsta Faransiisku hawlgal ka fuliyeen dalka Somaliya, kaasi oo ay ku soo furanayeen basaas Faransiis ah, halka sidoo kale ciidamada Faransiisku hawlgalo ka wadaan dalka Maali, taasi oo la filayo inay kor u qaaday necaybka kooxaha argagixisada ee wadamada reer galbeedka oo muwaadiniinta Ingiriisku ka mid yihiin ka joogaan Somaliland.

Qoraalka Wasaarada arimaha dibada Ingiriiska, ayaa sidoo kale lagu sheegay in digniintani daba socoto  digniin hore muwaadiniinta looga digay inay tagaan dalka Somaliya oo Somaliland-na ku jirto.
Dhanka kale, tallaabada dawladda Ingiriisku qaaday ayaa cawaaqibkeeda ku leh Somaliland iyo amaankeeda adduunku ku kalsoonaa.

Short URL: http://waaheen.com/?p=58272